Caynaba Media Group

Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

0
Saturday October 17, 2020 - 22:06:59 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

    Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad

ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip