Caynaba Media Group

Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Waddo Bariis Oo Ka Xogwaramay Halka Ay Marayso Waddadaasi

0
Saturday October 17, 2020 - 21:43:01 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Waddo Bariis Oo Ka Xogwaramay Halka Ay Marayso Waddadaasi

    Guddoomiyaha guddida gacanta ku haysa dhismaha waddo Bariis ayaa ka xogwaramay halka ay marayso waddaasi iyo marxaladihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddida gacanta ku haysa dhismaha waddo Bariis ayaa ka xogwaramay halka ay marayso waddaasi iyo marxaladihii

kala duwaan ee ay soo martay waddadaasi.

Guddoomiyaha guddida waddo Bariis Maxamuud Jaamac Quule, waxa uu sheegay in ay waddaas ka soo bilaabeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan degmada Balli-cabane imikana ay marayso kaantaroolka Masalaha ee magaalada Hargeysa, wuxuuna intaas ku daray in ay bilaabayaan carro kaawadii, taas oo u baahan kaalmo dhaqaale oo lagu hirgaliyo socodsiinta waddaasi.

Wuxuuna guddoomiyuhu u mahadceliyey beeraleyda ay waddadaasi martay beerohoodii oo uu sheegay in ay si weyn iska xilsaareen sidii waddadaasi u dhameystirmi lahayd garteena qiimaha ay u leedahay, wuxuuna xukuumadda, qurbojoogta iyo dadka muxsiniinta ah ee kheryka jecel ka codsaday in ay ka qayb qaataan dhameystirka waddadaas, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay si wanaagsan ugu dhamaan doonto waddo Bariis oo uu tilmaamay in ay wax weyn ku soo kordhin doonto horumarinta dhaqaalaha ee deegaanada ay marayso iyo guud ahaan Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip