Caynaba Media Group

Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka Ee Gobolka Awdal Oo Kulan La Yeeshay Hawl Wadeennada Wasaaraddaasi

0
Saturday October 17, 2020 - 20:58:59 in Wararka by
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka Ee Gobolka Awdal Oo Kulan La Yeeshay Hawl Wadeennada Wasaaraddaasi

    Isuduwaha dhawaan loo magacaabay wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal Khaddar Yaasiin Aadan, ayaa kulan la yeeshay hawl wadeenada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwaha dhawaan loo magacaabay wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal Khaddar Yaasiin Aadan, ayaa kulan la yeeshay hawl wadeenada

wasaaraddaas ee ka hawlagala gobolkaas.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdisalaan Bashiir Faarax (Cabdisalaan Saaha) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Awdal, kulankaas ayaa daarnaa is barasho iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha shaqo ee wasaaraddaasi ka qabato gobolka Awdal.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Khadar Yaasiin Aadan oo sheegay in ay hawsha ka bilaabayaan halkii ay soo gaadhsiiyeen masuuliyiintii isaga ka horeysay, isaga oo intaas ku daray in ay u qorsheysan tahay sidii ay wacyigelin ballaadhan ugu sameyn lahaayeen bulshada ku nool gobolka Awdal, taas oo ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Wuxuuna bulshada gobolka Awdal ugu baaqay in ay ilaaliyaan badqabka deegaanka kana fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku ah deegaanka sida dhuxusha, oo uu tilmaamay in ay waxyeelo weyn ku hayso deegaanka, isaga oo intaas raaciyey in duurjoogtu ay dalka ka qaxeyso hadii la dhibaateeyo loona baahan yahay in la ilaaliyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip