Caynaba Media Group

Madaxweynaha JSL Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel

0
Wednesday October 14, 2020 - 20:24:22 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JSL Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland,

waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip