Caynaba Media Group

Marxuum Maxamuud Cabdi Malow Oo Maanta Lagu Aasay Magaaladda Hargeysa

0
Friday October 02, 2020 - 23:19:10 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuum Maxamuud Cabdi Malow Oo Maanta Lagu Aasay Magaaladda Hargeysa

    Alle ha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Masalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Masalaha  ee magaalada Hargeysa Wasiirkii hore Macanta iyo Biyaha JSL Marxuum Maxamuud Cabdi Malow oo ku geeriyooday Hargeysa.

Waxa aaska Marxuumka ka qaybgalay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim, Maayar Ku-xigeenka Caasimada Cabdicasiis Maxamuud Cagoweyne, Xildhibaanno, madaxdhaqameed iyo Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha Caasimada Hargeysa.kuwaasi oo ka warramay taariikhdii iyo shakhsiyadii Marxuum Maxamuud Cabdi Malow oo ahaa muwaadin,dalkiisa u soo shaqeynayey muddo 40 sannadood ku dhow.

Marxuum- Maxamuud Cabdi Malow wuxuu xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal uu soo qabtay xilka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha. Sidoo kale waxa uu xubin firfircoon àhaa Xisbigii UDUB oo uu ka noqday Guddoomiyaha Abaabulka. Marxuum Maxamuud Cabdi Malow ayaa ifka kaga tagay 11 carruur ah iyo hal xaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip