Caynaba Media Group

Barcelona vs Juventus, PSG vs Man United – Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League Oo La Soo Saaray

0
Friday October 02, 2020 - 22:10:59 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona vs Juventus, PSG vs Man United – Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League Oo La Soo Saaray

    Waxaa xalay dhaweyd la sameeyay isku aadka wareega group-yada Champions League oo dhameystiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay dhaweyd la sameeyay isku aadka wareega group-yada Champions League oo dhameystiran

iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso badan.

Qori tuurka ayaa lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland halkaasoo xarun u ah xiriirka kubada cagta Yurub.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Bayern Munich ayaa gashay group A iyadoo la ciyaareysa Atletico Madrid, FC Salzburg iyo Lokomotic Moskva Group-ka dhimashada waxa uu noqday Group H oo ay isku arkayaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United iyadoo ay wehliyaan kooxda soo gaartay wareega sideed dhamaadka Champions League xilli ciyaareedkii hore ee Bundesliga ka ciyaara RB Leipzig iyadoo ay dhameystireyo kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir

Sidoo kale waxaa iyadana xiiso leh Group H iyadoo ay kuwada jiraan kooxaha Barcelona iyo Juventus, waana group ay isaga horimaan doonaan mar kale xiddigaha xafiiltanka uu ka dhaxeeyo ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxaa ku wehlisa group-ka kooxda Dynamo Kiev iyo kooxda reer Hungary ee Ferencvaros.

Marka laga reebo Man United kooxaha kale ee Ingariiska ayaa galay group-yo sahlan ama ay u fududahay inay ka soo baxaan. Chelsea waxay la ciyaareysaa Sevilla iyo labo kooxood oo markii ugu horeysay ciyaaraya wareega group-yada oo kala ah Rennes iyo Krasnodar.

Man City waxay isku group yihiin kooxo heer dhexaad ah oo kala ah FC Porto, Marseille iyo Olympiacos. Halka Liverpool ay tahay kooxda labaad ee kulamo adag wajihi karta kooxaha Ingariiska waxay isku group yihiin Ajax iyo Atalanta iyo kooxda reer Denmark ee Midtjylland.

Halkaan ka akhriso isku aadka oo dhameystiran:

Group A: Bayern Munich, Atletico Madrid, FC Salzburg, Lokomotiv Moscow

Group B: Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan, Borussia Monchengladbach

 

Group C: Porto, Man City, Oympiacos, Marseille

Group D: Liverpool, Ajax, Atalanta, FC Midtjylland

Group E: Sevilla, Chelsea, Krasnodar, Stade Rennais

Group F: Zenit, Borussia Dortmund, Lazio, Club Brugge

Group G: Juventus, Barcelona, Dynamo Kiev, Ferencvaros

Group H: PSG, Man Utd, RB Leipzig, Istanbul Basaksehir

Wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa laga bilaabo 20ka bishaan October iyadoo maalinta Jimcaha la shaacin doono jadwalka rasmiga ah ee kulamada wareega group-yada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip