Caynaba Media Group

Muxuu Ahaa Hadalkii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Jose Mourinho Ku Yiri Frank Lampard Ka Dib Markii Ay Ku Dagaalameen Kursiga Keydka?

0
Thursday October 01, 2020 - 01:06:33 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ahaa Hadalkii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Jose Mourinho Ku Yiri Frank Lampard Ka Dib Markii Ay Ku Dagaalameen Kursiga Keydka?

    Shaki kuma jiro in Frank Lampard uu cadaadis badan saaran yahay xagaagan. Ka dib markii uu qarashgareeyay 220 milyan ginni,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaki kuma jiro in Frank Lampard uu cadaadis badan saaran yahay xagaagan. Ka dib markii uu qarashgareeyay 220 milyan ginni,

waxaa laga filanayaa inuu koobab keeno Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Liiska koobabka laga doonayo waxaa u hooseeya Carabao Cup laakiin marka aad ka horimaaneyso kooxda Tottenham oo uu hogaaminayo Jose Mourinho waa qasab inaad si dhab ah u wajahdo tartanka.

Lampard ayaana sidaasi sameeyay isagoo shax xoogan u magacaabay kulanka Tottenham Hotspur Stadium ee wareega 16ka ee Carabao Cup.Timo Werner ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea daqiiqadii 19aad laakiin daqiiqado ka dib waxaa la arkayay labada tababare oo isku dhacay islamarkaana isku qeylinaya.

Wuxuu ahaa dagaal u dhaxeeyay macalin iyo ardaygiisa iyadoo Lampard uu ku qeyliyay tababarihiisa hore Mourinho.

Dabcan Lampard seddex jeer ayuu gacanta sarre ka helay Mourinho wuxuuna doonayaa inuu markii afaraad ka guuleysto.

Waxayna u muuqataa in Mourinho uusan ku faraxsaneyn xaqiiqdaas.Mudadii ay ku doodayeen kursiga keydka waxaa la maqlayay tababaraha Tottenham Jose Mourinho oo ku eedeynaya Lampard inuu istustus sameynayo isagoo ku yiri:

"F***ing hell Frank, marka 3-0 lagaaga badinayo halkaan ma soo istaagtidā€¯

Ma ahan markii ugu horeysay ee Lampard ay isku dhacaan tababare weyn iyadoo sidoo kale ay isku dhaceen tababaraha Liverpool kulankii ay Reds qaadeysay koobka horyaalka Premier league.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip