Caynaba Media Group

Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

0
Thursday October 01, 2020 - 01:02:40 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

    Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa

aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.addaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Arbaca ah:

Manchester United ayaa laga soo diiday dalab £91.3 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbisay weeraryahanka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho. (Sky Sports)

Red Devils ayaa tartan ugu jirta weeraryahanka  Real Madrid iyo xulka qaranka Serbia ee Luka Jovic oo 22 jir ah, waxaanay ku doonaysaa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto iyadoo ka hor qaadaysa Inter Milan, AC Milan iyo Roma. (AS)

Manchester United waxa kale oo ay doonaysaa laacibka afka hore uga ciyaara Barcelona ee Ousmane Dembele oo 23 jir ah. (AS)

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu lasoo saxeexdo difaac bidix oo cusub ka hor inta aanu suuqa iibka ciyaartoydu xidhmin, waxaanu calaamadsaday David Alaba oo Bayern Munich u ciyaara iyo Nicolas Tagliafico oo Ajax ah . Labadan ciyaartoy ba waa min 28 jir. (Mail)

Bayern Munich ayaa duullaan ku ah Brighton oo ay ka doonayso 19 jirka difaaca midig iyo bidix ba ka ciyaara ee Tariq Lamptey. (SPort1)

Leeds United waxay qarka u saaran tahay inay Bayern Munich kala soo saxeexato 21 jirka khadka dhexe ee Michael Cuisance oo qiimihiisa lagu sheegay £9 milyan oo Gini. (Athletic)

Saed Kolasinac oo difaaca bidix uga ciyaara Arsenal ayaa la sheegay inay doonayso Bayern Leverkusen oo diyaar ula ah inay ka bixiso £9 milyan oo Gini. (Mail)

Wakiilka Lucas Torreira ayaa ka degay magaalada Madrid oo uu wada-hadallo kula yeelanayo Atletico Madrid oo la sheegayo inuu laacibkan 24 jirka ahi u wareegayo. (Fabrizio Romano)

Chelsea waxay doonaysaa inay iibiso difaaceeda reer Germany ee Antonio Rudiger, inkasta oo 27 jirkan ay doonayso Tottenham, haddana waxay Blues jeceshahay inuu dibedda uga baxo Premier League. (ESPN)

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo 36 jir ah ayaa sheegay inuu ka cadhooday qaabkii ay Paris St-Germain ula dhaqantay, isla markaana uu iska diiday heshiis sannad ah oo ay usoo bandhigtay daqiiqadihii ugu dambeeyey bixitaankiisa, xilli uu Chelsea lasii gaadhay heshiis. (ESPN)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip