Caynaba Media Group

(Sawirro) Xafiiska cusub ee Somaliland ka furatay Taiwan oo xariga laga jaray

0
Wednesday September 09, 2020 - 23:07:10 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro) Xafiiska cusub ee Somaliland ka furatay Taiwan oo xariga laga jaray

    Waxaa Magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xariga looga jaray xafiiska wakiilka Somaliland u fadhin doona halkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xariga looga jaray xafiiska wakiilka Somaliland u fadhin doona halkaas.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiska Somaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei.

Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri "Taiwan waa gurigiinii labaad, Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,” ayuu yiri daray Mr Wu.

Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Somaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Somaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Omer Hagi.

Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Somaliland sidoo kale laga sii daayay muuqaalka khudbad horey loo sii duubay oo uu jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

"Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi oo khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaa, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga.

Xukuumadda Taiwan ayaa 17-kii bishii August waxay xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana labada xukuumadood oo madax banaani sheegta aysan jirin illaa hadda cid aqoonsatay, iyadoo xiriirkooda si weyn u cambaareeyey dowladaha Somalia iyo Shiinaha.

    





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip