Caynaba Media Group

Phil Foden Dabadiisa Ayuu Qaawiyey Gabdhaha Hortooda – Fadeexaddii Greenwood

0
Tuesday September 08, 2020 - 22:34:16 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Phil Foden Dabadiisa Ayuu Qaawiyey Gabdhaha Hortooda – Fadeexaddii Greenwood

    Phil Foden fadeexaddiisu way ka badan tahay tan uu ku kacay Greenwood, sababtoo ah, labada dumarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Phil Foden fadeexaddiisu way ka badan tahay tan uu ku kacay Greenwood, sababtoo ah, labada dumarka

ah ee ay lasoo ballameen ee hotelka ugu yimid, xawaa waxa uu awoodi kari waayey inuu ka xishoodo isaga oo xaasle ah, waxaanu dharka kula baxay hortooda isaga oo tusay dabadiisa.

Foden oo ay da’diisu tahay 18 jir iyo saaxiibkiisa xulka qaranka ee Mason Greenwood oo isaguna 18 jir ah, waxa shalay laga caydhiyey xulka qaranka England kaddib markii ay soo baxeen inay hotelkii ay degganaayeen kula damaashaadeen laba hablood oo midkood ku guuleysatay quruxda adduunka iyo ina-adeerteed oo ah ardayad jaamacadeed Saacado kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii 1-0 ay Sabtidii England kaga badisay Iceland, waxay Greenwood iyo Foden ballansadeen Nadia Gunnarsdottir oo ah gabadh 20 jir ah oo ku guuleysatay quruxda adduunka iyo Lara Clausen oo ah ina-adeerteed oo ah 19 jir ardayad ka ah jaamacad ku taalla dalkaas oo diyaarisa culuumta Sharciga.Foden ayaa laga helay sawirro uu dabada qaawiyey dadka dhexdooda oo aanu xataa xishoonayn isaga oo xaaskiisu joogto England oo ay wiil laba jir ah u hayso, laakiin inkasta oo uu waalli samaynayay haddana muu ahayn qofka hablaha ballamiyey ee hotelka ugu yeedhay marka horena ay isasii yaqaaneen.

Mason Greenwood ayay hablaha hore isku sii yaqaaneen, waxaa se ay labadoodu go’aan ku wada gaadheen inay ugu yeedhaan hotelka Maxay kula tahay haddii aynu hotelka ku ballamino?” Mason Greenwood ayaa su’aashan weydiiyey Phil Foden oo isaguna markiiba ogolaansho aan ka fiirsi lahayn lasoo booday.

Nadia iyo Lara  ayaa muuqaal ay iska duubeen iyagoo la jooga labadan ciyaartoy soo dhigay barahahooda bulshada, waxaanay ku dul qoreen: "Waxaanu la cawaynaynaa Mason Greenwood & Phil Foden.”

 

Foden ayaa qoraal uu bartiisa ku baahiyey waxa uu raalligelin ka bixiyey ficilka uu sameeyey isaga oo cafis weydiistay tababaraha xulka qaranka, ciyaartoyda, xaaskiisa iyo kooxdiisa Manchester City intaba, waxaanu qirtay inuu sameeyey wax aan fiicnayn.

Nadia oo warbaahinta la hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay kulankooda, waxaanay sheegtay inay baraha bulshada iska yaqaaneen Greenwood, laakiin Foden ay ugu horreysay habeenkan, isla markaana uu Greenwood u sheegay inay yihiin laba qof, taas darteedna ay soo kaxaysatay ina-adeerteed.

"Online ayaanu ku kulanay. Waxa aan la hadlayay Mason dhawr maalmood ka hor intii aanay imanin Iceland. Iyagu qolalka Hotelka may sii kiraynin e annaga ayaa kiraynay oo lacagtana bixinay.” ayay tidhi Nadia oo intaa raaciyey inay ka xun tahay sida ay arrintani ku dambaysay iyadoo amaantay labada ciyaartoy oo ku sheegtay dhallinyaro fiican oo si wanaagsan ula dhaqmay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip