Caynaba Media Group

Kooxdii Ugu Wanaagsanayd Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedka Iyo Dhamaan Abaal-marinihii La Bixiyey

0
Tuesday September 08, 2020 - 22:27:37 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxdii Ugu Wanaagsanayd Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedka Iyo Dhamaan Abaal-marinihii La Bixiyey

    Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta khaaska ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta khaaska ah

 ee PFA Merit Award iyadoo lagu maamuusay shaqada layaabka lahayd ee uu qabtay muddadii ciyaaruhu hakadka ku jireen ee ay dunidu la dhibaataysnayd Korona Fayras, xilligaas oo uu sameeyey barnaamij uu ku quudinayey ardayda iyo qoysaska danyarta ah ee UK.

Rashford oo ku tartamayay abaal-marinta PF Young Player of the Year ee xiddiga ciyaartoyga da’yarta, waxa kaga guuleystay difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold laakiin shaqada uu qabtay ee ka baxsan garoomada ayaa noqotay mid u qalantay in lagu maamuuso.Laacibkan ayaa ballan-qaaday inuu sii wadi doono shaqadan illaa inta UK laga waayayo arday iyo qoys danyar ah oo ka wararaya wixii ay cuni lahaayeen.Xiddiga sannadka ee PFA ayaa  waxa ku guuleystay kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne oo ku garaacay afarta laacib ee Liverpool ee Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Sadio Mane iyo Alexander-Arnold oo lagu daray Raheem Sterling.

Dhamaan lixda ciyaartoy ee liiska gaaban ee murashaxiinta ku jiray ayaa ka mid noqday kooxda sannadka oo goolhayaha ugu wanaagsan uu u noqday Nick Pope oo Burnley ah, difaaca reer Turkey ee Caglar Soyuncu oo Leicester City u ciyaara, kabtankii hore ee Man City ee David Silva ee dhowaanta u wareegay Real Sociedad iyo weeraryahannada Leicester City iyo Arsenal ee Jamie Vardy & Pierre-Emerick Aubemayang.

Halkan kaga bogo dhamaan abaal-marinihii la bixiyey:

PFA Merit Award: Marcus Rashford

PFA Players’ Player of the Year: Kevin De Bruyne

PFA Women’s Player of the Year: Beth England

PFA Men’s Young Player of the Year: Trent Alexander-Arnold

PFA Women’s Young Player of the Year: Lauren Hemp

kooxihii ugu wanaagsanaa xili ciyaareedka:

PFA Premier League Team of the Year: Nick Pope, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Caglar Soyuncu, Andy Robertson, David Silva, Jordan Henderson, Kevin De Bruyne, Jamie Vardy, Pierre-Emerick Aubameyang, Sadio Mane.

PFA WSL Team of the Year: Ann-Katrin Berger, Magdalena Eriksson, Leah Williamson, Millie Bright, Maron Mjelde, Caroline Weir, Kim Little, Ji So-Yun, Beth England, Vivianne Miedema, Chloe Kelly.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip