Caynaba Media Group

Koofur Afrika oo dadaal ugu jirta wax ka qabashada tacaddiyada lagula kaco haweenka

0
Tuesday September 08, 2020 - 00:51:36 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koofur Afrika oo dadaal ugu jirta wax ka qabashada tacaddiyada lagula kaco haweenka

    Dowladda Koofur Afrika ayaa baarlamaanka dalkaas u gudbisay saddex sharci oo lagu doonayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Koofur Afrika ayaa baarlamaanka dalkaas u gudbisay saddex sharci oo lagu doonayo  in wax looga qabto tacaddiyada loo geysto haweenka.Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sharciyadaas ku tilmaamay inay yihiin kuwii ugu waxtarka badnaa ee wax looga qabanayo tacaddiyaha haweenka ka dhanka ah.

Isbeddellada la soo jeediyay ayaa waxaa ku jira in la shaaciyo magacyada dembiilayaasha geysta tacaddiyada iyo in la adkeeyo damaanadda lagu sii daayo.

Waxaa sidoo kale shuruuc cusub laga soo saaray booliiska iyo dacwad oogayaasha gacanta ku haya kiisaskaas.

Isbeddelka lagu sameeyay sharciga ayaa qeyb ka ahaa ballantii uu madaxweynaha dalkaas ku qaaday sanadkii hore in isbeddel lagu sameynayo shuruucda tacaddiyaha ka dhanka ah haweenka.

Nin ku nool Faransiiska ayaa gubay qeyb ka mid ah gurigiisa, xilli uu isku dayayay inuu tixsi iska cayriyo.

Ninkan oo ku jira da`da 80-meeyada, ayaa doonayay inuu casheeyo, kaddib wuxuu dhibsaday duqsiga oo agtiisa ku wareegayay.

Wuxuu kaddib soo qaatay qalab koronto ah oo loogu talo galay in lagu dilo cayayaanka wuxuuna bilaabay inuu ku cayriyo – balse haanta gaaska ee gurigiisa taallay ayaa furneyd oo hawo sii deyneysay.

Falgal ay sameeyeen qalabkaas iyo gaaska ayaa sababay qarax, kaas oo burburiyay jikada, isla markaana waxyeello gaarsiiyay qeyb ka mid ah saqafka kore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Parcoul-Chenaud.

Sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha, ninkan oo aan magaciisa la dhaacin ayaa si dirqi ah uga baxsaday dabka, keliya gacanta ayuu wax yar ka gubtay.

Si kastaba, lama oga wixi uu duqsigu ku dambeeyay.

Ninkan ayaa kaddib raadsaday hoy kale iyadoo qoyskiisu ay dayactirayeen guriga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip