Caynaba Media Group

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin hubeesan oo Miino aasayay

0
Sunday September 06, 2020 - 23:50:19 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin hubeesan oo Miino aasayay

    Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay saqdii Dhaxe xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid ku dilay nin hubeesan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay saqdii Dhaxe xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid ku dilay nin hubeesan

oo qeyb ka ahaa sadex nin oo miino ku aaseesay xaafada Suuq Bacaad.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid C/llaahi Shiilow ayaa sheegay in ciidamada amaanka xalay saqdii Dhaxe ka warheleen sadex nin hubeesan oo miino ku aaseesay xaafada Suuq Bacaad.

Shiilow ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo isku dayay in ay soo qabtaan raga miinada aasayay iska hor imaad kala kulmeen, waxa uuna sheegay in goobtaasi lagu dilay mid kamid ah sadexdii nin ee hubeesnaa ee goobtaasi miinada ku aaseesay.

Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada degmada Yaqshiid ayaa sheegay in laamaha amaanka ku daba jiraan labada nin kale ee ka baxsaday , waxa uuna sheegay in degmada Yaqshiid ka socdaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Qaraxyada miino ee lagu aaso wadooyinka magaalada Muqdisho ayaana mudooyinkan dambe soo badanayay, waxaana qaraxii ugu dambeeyay oo miino xalay ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip