Caynaba Media Group

Kaddib Heshiiskii Nathan Ake Ee Man City, Waa Kuwan 20ka Difaac Ee Dunida Ugu Qaalisan

0
Saturday August 01, 2020 - 00:48:01 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaddib Heshiiskii Nathan Ake Ee Man City, Waa Kuwan 20ka Difaac Ee Dunida Ugu Qaalisan

    Nathan Ake ayaa ku biiray liiska difaacyahannada ugu qaalisan dunida, kaddib markii ay Manchester City la gaadhay heshiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nathan Ake ayaa ku biiray liiska difaacyahannada ugu qaalisan dunida, kaddib markii ay Manchester City la gaadhay heshiis

dhamaystirkiisa shaacinta oo kali ahi ka dhiman yahay, isla markaana ay labada kooxood isla qaateen in £41 milyan oo Gini ay kula kala wareegaan.

Tababare Pep Guardiola ayaa Nathan Ake ku xallinaya dhibaatooyinkii uu ka cabanayay xili ciyaareedkii dhamaaday ee khadka dambe ee liigistu ka jirtay, waxaanu noqonayaa saxeexa labaad ee ay Citizens samayso saacado kooban gudahood, iyadoo uu kasii horreeyey laacibka garabka weerarka uga ciyaara Valencia ee Ferran Torres.

25 jirkan reer Netherlands oo ay kooxo badan usoo hanqal taageen markii Bournemouth ay ka dhacday horyaalka Premier League ee ay dib ugu noqotay heerka labaad, ayaa waxa nasiib u yeelatay Man City oo uga hor martay Man United oo ka mid ahayd naadiyada lala xidhiidhinayey.

Advertisements
 

Laacibkan ayaa marka heshiiskiisa si rasmi ah loo dhamaystiro, waxa uu ku biiri doonaa liiska difaacyahannada ugu qaalisan dunida, isaga oo kaalinta 10aad kala baxaya Elianquim Mangala oo sannadkii 2014 ay Man City qaab ka fiirsi la’aan ah ugu soo iibsatay £40.5 milyan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada 20ka difaac ee ugu qaalisan dunida ee la kala iibsaday iyo kooxihii lacagta ku farraqay:

20. Clement Lenglet, Sevilla => Barcelona – £32.31m

19. Konstantinios Manolas, Roma => Napoli – £32.40m

18. Lillian Thuram, Parma => Juventus – £32.54m

17. Eric Bailly, Villarreal => Manchester United – £34.20m

16. Davinson Sanchez, Ajax => Tottenham – £36.00m

15. Shkodran Mustafi, Valencia => Arsenal – £36.90m

=13. Thiago Silva, AC Milan => Paris Saint-Germain – £37.80m

=13. Leonardo Bonucci, Juventus => AC Milan – £37.80m

12. Nicolas Otamendi, Valencia => Manchester City – £40.05m

11. Eliaquim Mangala, FC Porto => Manchester City – £40.50m

10. Nathan Ake, Bournemouth => Manchetser City – £41.00m

9. Rio Ferdinand, Leeds United => Manchester United – £41.40m

8. David Luiz, Chelsea => Paris Saint-Germain – £44.55m

7. Eder Militao, FC Porto => Real Madrid – £45.00m

6. John Stones, Everton => Manchester City – £50.04m

5. Aymeric Laporte, Athletic Bilbao => Manchester City – £58.50m

4. Lucas Hernandez, Atletico Madrid => Bayern Munich – £72.00m

3. Virgil van Dijk, Southampton => Liverpool – £76.19m

2. Matthijs de Ligt, Ajax => Juventus – £76.95m

1. Harry Maguire, Leicester City => Manchester United – £78.30m




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip