Caynaba Media Group

Wararkii Ugudanbeeyay Soo Magacaabida Raiisal Wasaaraha Dalka

0
Wednesday July 29, 2020 - 23:29:17 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugudanbeeyay Soo Magacaabida Raiisal Wasaaraha Dalka

    Wararkii ugu dambeeyay ee maagcaabista Reysalwasaaraha Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ugu cad cad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee maagcaabista Reysalwasaaraha Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ugu cad cad.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weli wada kulamadii latashiyada ahaa ee ku aadan magacaabista Reysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.Xilkaan oo ay raadiyeen shaqsiyaad badan ayaa hadda waxaa isku soo haray dhowr qof, waxaana kamid ah.

1) Dr Maxamed Cali Nuur, oo ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya kana soo shaqeeyay urur gobaleedka IGAD.

2) Cabdiraxmaan Yabarow, oo ah madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA. Yabarow waxa uu qeyb ka yahay dad kooban oo aad looga fakarayo xilkaan, balse ma cadda mowqifkiisa.

3) Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug, sidoo kalane soo noqday wasiirkii amniga Qaranka.

4) Eng Cabdullaahi Cali Xasan, oo ah wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

5) Iyo Nuur Diiriye Xirsi "Eng Fuursadeā€¯ oo ah agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kalane saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yabarow, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa 80% la sheegay inuu ugu dhawyahay in xilkaan loo magacaabo.

Waxaa aad isa soo taraya wararka sheegaya in waqti dhaw lagu dhawaaqo Reysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip