Caynaba Media Group

Dayuuradaha Maraykanka duqeyn ku laayey caruur ku nooleyd degmada Jilib (Sawirro)

0
Wednesday July 29, 2020 - 23:25:30 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayuuradaha Maraykanka duqeyn ku laayey caruur ku nooleyd degmada Jilib (Sawirro)

    Maraykanka ayaa sheegay in Duqeyn lagu dilay dagaalyahan ka tiran Alshabaab laguna dhaawacay mid kale uu ka fuliyey degmada Jilib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka ayaa sheegay in Duqeyn lagu dilay dagaalyahan ka tiran Alshabaab laguna dhaawacay mid kale uu ka fuliyey degmada Jilib

ee gobolka Jubada Dhexe.

Sidoo kale Maraykanka ayaa sheegay inuu duqeyntan ku burburiyey xero ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobta la duqeeyey, iyadoo qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM lagu sheegay ineysan jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray duqeyntaas.

Hase ahaatee Al-shabaab ayaa warkaas beenisay, iyadoo baahisay muuqaallo ku saabsan caruur lagu dilay duqeynta dayuuradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib.

Duqeyntan ayaa dhacday maanta duhurnimadii ayaa waxaa ku buburay Guri ay bannaankiisa ku sugnaayeen saddex caruur ah oo yaryar, waxayna ku dhinteen isla goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Muuqaaladda saddexda Caruur ayaa lasoo bandhigay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay

1-Abuukar Axmad Maxamad oo 8 sano jir ah
2-Cabdisamad Xuseen oo 12 sano jir ah
3-Cabdullaahi Maxamad oo 13 sano jir ah.

Waxaa Sidoo kale Al-shabaab ay soo bandhigtay sawiro muujinaya guryo carshaan ka sameysan oo ku burburay duqeyntaas, iyadoo arrntan ay ku soo beegmeyso xili shalay maraykanku qirtay in qaar ka mid ah weerarada uu ka fuliyo Somalia ay ku dhinteen dad shacab ah.

   

Xafiiska caynabanews





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip