Caynaba Media Group

Shaxda Ay Manchester City Ku Qabsan Doonto Dunida Kaddib Heshiiskii Ferran Torres

0
Wednesday July 29, 2020 - 21:55:29 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda Ay Manchester City Ku Qabsan Doonto Dunida Kaddib Heshiiskii Ferran Torres

    Manchester City ayaa shaacisay heshiiska xiddigii ay ku beddeli lahaayeen Leroy Sane, kaas oo ah weeraryahanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa shaacisay heshiiska xiddigii ay ku beddeli lahaayeen Leroy Sane, kaas oo ah weeraryahanka

 garabka uga dheela Valencia ee Ferran Torres.

Tababare Pep Guardiola oo ay kooxdiisu waayi doonto laacibka khadka dhexe ee David Silva oo toban sannadood oo uu ka ciyaarayay Etihad Stadium kusoo afjaraya kulamada ka hadhay Champions Leauge, waxa uu noqonayaa ciyaartoyga labaad ee la ogyahay inuu ka tegayo kooxda, waxaanay taasi keentay in Pep uu u degdego sidii uu boosaska ay ciyaaryahannadani ka baxayaan degdeg ugu soo buuxin lahaa.

Maamulka Manchester City ayaa la sheegay inay diyaariyeen £300 milyan oo Gini oo uu Guardiola suuqa kaga adeeganayo, waxaana markiiba ay gacanta ku dhigeen Torres oo ay kasoo bixiyeen £31.5 milyan Gini.

Advertisements
 

Bartilmaameedka labaad ee Manchester City ayaa ah khadka difaaca, waxaanay doonayaan laacibkii ka garab ciyaari lahaa Aymeric Laporte maadaama tayada Johnstones hoos u dhacday oo aanu haysanin kalsoonida tababarihiisa.

Sidoo kale, Nicolas Otamendi ayaa sameeyey qaladaad aan loo baahnayn oo tababaraha reer Spain ka cadhaysiiyey, halka Eric Garcia ay raadinayso kooxdiisii hore ee Barcelona.

Fernandinho oo khadka dhexe laga beddelay ayaa difaaca ka ciyaaray kulamo badan, laakiin dhaawac soo gaadhay waqti dambe iyo da’diisa weynaatay ayaa isagana ka saaraysa xisaabta xataa haddii ay kooxdu isku dayi lahayd inay ku qanciso inuu qandaraas cusub u saxeexo oo uu beddelo go’aanka uu ku gaadhay inuu ka tago kooxda.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay shaacisay in Manchester City ay dalab ka gudbin doonto difaaca ay kooxaha badan raadinayaan ee Kalidou Koulibaly, isla markaana ay ula diyaar tahay lacag dhan £70 milyan oo Gini.

 

Sidoo kale, waxa City ay diiraddu u saaran tahay Nathan Ake oo ay kooxdiisa Bournemouth u degtay heerka labaad, kaas oo qiime ahaan aad uga hooseeya Koulibaly.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa saadaaliyey shaxda ay Manchester City ku dheeli doonto xili ciyaareedka dambe, waana sidan:



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip