Caynaba Media Group

Qofka Udxiyeysanaya Timaha Ma Xiirayaa?

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:56:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofka Udxiyeysanaya Timaha Ma Xiirayaa?

    Qofka gudanaya xajka waxa la faray inta uu ku gudajiro waajibaadka xajka in aanu timaha xiirin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka gudanaya xajka waxa la faray inta uu ku gudajiro waajibaadka xajka in aanu timaha xiirin,

 ciddiyaha iska gurin, dhar tolanna aanu xidhan. Sidaa si la mid ah ayaa dood ka taagan tahay qofka udxiyeysanaya isna miyaa laga rabaa in uu timaha iyo ciddiyaha daysto?



Xadiiska Muslim soosaaray ee Umu Salama warinayso Rasuulku NNKH, wuxu odhanayaa: "Kolka tobanka (Dil Xija) la galo, midkiinna doono in uu udxiyeysto, yaanu timihiisa xiirin, ciddiyihiisana gurin illaa uu ka udxiyeysanayo.”


Xadiiskaa waxa dhaqangeliyey saxaabigii Cabdillaahi Ibnu Cabbaas. Deeto dood baa ka dhalatay. Waxa uu Siyaad Bin Sufyaan warqad u soo diray Caa’isha ay ku qoran tahay in Ibnu Cabbaas fatwooday: "Qofka hadiyeysanaya waxa xaaraan ka ah wixii xaaraan ka ahaa xaajiga, ilaa uu gawraca ka samaynayo.”


Caa’isha oo warkii loo sheegay waxa ay tidhi, "Arrinku maaha sidaa uu Ibnu Cabbaas sheegay. Waxa aan u soohi-jiray Nabiga kuulaha qoorxidh ahaan loogu sunto xoolaha hadyiga, deeto isagaa gacantiisa ugu xidhijiray uuna diri jiray, wax Alle u xalaaleeyey oo ka xaaraan ahaana ma jirin, jeeroo la gawraco hadyiga.” Xadiiskaa waxa soosaaray Bukhaari iyo Muslim. Fatxul-baariga waxa siyaado ku ah in Caa’isha hadalkeeda sii raacinayso: "Marka hore (Ibnu Cabbaas) kacbada ha soo dawaafo.”


Shucayb Bin Abi Xamsa wuxu sheegay kolku faafay hadalkii Caa’isha in la qaatay hadalkeedii, fatwadii Ibnu Cabbaas na laga tagay. Sida oo kale Cabdillaahi Bin Subayr ayaa la waydiiyey fatwadii ibnu Cabbaas, deeto wuxu ku jawaabay: "Rabbiga kacbada abuuray baan ku dhaartee waa arrin cusub (bidco).” Waxa soosaaray musanafka Ibnu Abi shayba.


Durista caa’isha ee xadiiskaa Umu Salama iyo fatwada Ibnu Cabbaas wuxu sababay in madaahibta fiqigu arrintan isku khilaafaan, waxa aanu keenay saddex hadal in ay ka yeeshaan arrintan madaahiibtu. Iyada oo aad odhan karto laba mad’hab dhan ayey isku mareen, halka labada kalena mid ba meel abbaaray, taas oo dhammaantood fahanka labadaa xadiis cuskanaya.


Mad’habta Xanaabiladu waxa ay iyagu ku taagan yihiin dhaqangelinta xadiiska Umu Salama. Waxa ay qabaan in aanay u bannaanayn qofka udxiyeysanaya in u timaha xiiro, ciddiyahana guro muddadaas. Ibnu Qudaama waa mid ka mid ah ragga dhidibada u ah Xanaabilada. Kitaabkiisa Muqnigu isna wuxu ka mid yahay maraajicda ugu waaweyn ee Xanaabiladu leedahay. Kitaabkiisaa wuxu ku sheegay hadal laga dhadhansanayo xaaraannimada ay ka qabaan xanaabiladu arrinkan, "Qofka doonaya in uu udxiyeysto ee ay u soo galaan tobanku (Dil-Xija) yuuna waxba ka taaban timihiisa iyo jidhkiisa.”


Mad’habta Shaaficiyadu waxa ay qabaan in ay karaahiyo tahay in qofka udxiyeysanayaa uu timaha xiiro, ciddiyahana iska guro, laakiin aanay xaaraan ahayn. Nawawi oo ka mid ah ragga ugu culus mad’habta Shaaficiyadu wuxu leeyahay, "Mad’habkeennu (Shaaficiyada) qofkii doonaya in uu udxiyeysto wuxu qabaa in ay karaahiyo tahay in uu xiiro timaha, ciddiyahana iska guro.” 


Mad’habta fiqigaa ee Maalikiyadu waxa ay qabaan haddii la adkeeyo in masaladu karaahiyo noqonayso. Ibnu Mundir isagu wuxu soo guuriyaa in labada imaam ee Shaafici iyo Maalik ay ku tagsanayeen in ay wanaagsan tahay in la daysto timaha, laakiin aanay xaaraan ahayn. Ibnu Mundir wuxu leeyahay: waa hadalka ay jumhuurtu qabaan in aanay xaaraan ahayn.


Abu Xaniifa iyo mad’habtiisu waxa ay qabaan in qofka udxiyeysanayaa uu udxiyeysan karo isaga oo aan timaha xiirin, ciddiyahana iska gurin. Abu Xaniifa wuxu yidhi, "Maaha karaahiyo (in timaha la xiiro, ciddiyahana la guro) maxaa yeelay qofka xaaraan kama aha galmadii, taabashadii, sidaa ajligeed karaahiyo noqon maayo in timaha la xiiro, ciddiyanaha la guro.” 


Qaradaawi oo ah aqoonyahanka ugu tunka weyn fuqahada qarnigan nool mar la waydiiyey arrintan wuxu sheegay: in xadiiska Umu Salama uu duray xadiiska Caa’ishi. Sida oo kale wuxu sheegay in madaahibta fiqiga badankoodu aanay dhaqangelin xadiiska Umu Salama. Imaam Qaradaawi wuxu odhanayaa, "Waxa wanaagsan in la yidhaa ha iska daayo qofka udxiyeysanayaa in uu timihiisa xiiro, ciddiyihiisana guro, laakiin xaaraan maaha, hadday u badato waa karaahiyo.”


Masaladu waxa ay ku soo afmeermaysaa doodda xaaraannimadu in ay tahay dood jumhuurta madaahibta fiqiga baal-marsan. Labada mad’hab iyo fatwada Qaradaawi waa in ay wanaagsan tahay qofku in uu timihiisa daysto, laakiin aanay xaaraan ahayn. Xadiiska Caa’isha ee saxaabadu dhaqangeliyeen sidoo kale mad’habta Axnaaftana qaateen waa in qofka udxiyeysanayaa isagu ikhtiyaarka leeyahay oo hadduu doono timaha iyo ciddiyaha daysan karo, hadduu doonana xiiri karo.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip