Caynaba Media Group

Taliyaha Xabsiga Mandheera Oo Ka Hadlay Qorsheyaal Ay Hirgeliyeen Oo Maxaabiista Lagaga Ilaalinayo Xanuunka Coronavirus

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:52:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Xabsiga Mandheera Oo Ka Hadlay Qorsheyaal Ay Hirgeliyeen Oo Maxaabiista Lagaga Ilaalinayo Xanuunka Coronavirus

    Taliyaha xabsiga mandheera Muuse Abokor Qoorsheel ayaa ka hadlay qaabka ay u maamuleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha xabsiga mandheera Muuse Abokor Qoorsheel ayaa ka hadlay qaabka ay u maamuleen

 in maxaabiista ku jirta jeelkaasi loo gudbiyo xanuunka Coronavirus.



Taliye Qoorsheel waxa uu warbaahinta dawlada uga waramay talaabooyin muhiim ah oo ay qaadeen kuwaas oo ay kaga hortagayeen in xanuunka Coronavirus uu gaadho maxaabiista jeelka Mandheera oo tiradoodu gaadhaysay lix boqol bilihii uu ugu darnaa cudurkaasi.Taliye Qorsheel oo ka waramaya talaabooyinka ay qaadeen waxa uu yidhi "Waxaanu uga hawl galnay anaga oo samaynay taxadir badan, faraxalkii, saabuuntii, af xidhkii ayaanu hir gelinay , maxaabiistana tiro go’an ayaanu qol qol u dajinay oo waanu ka ilaalinay inay isku gudbaan, kuwa cusub ee la keenayeyna 14 cisho ayaanu guryo gaar ah oo aanu ku hubinayno u diyaarinay oo marka la hubiyana maxaabiista lagu soo darayey inta tamartayada ahna dedaal ayaanu ka galnay.”


Taliye Qoorsheel ayaa ka waramay qaabka ay u maamuleen tirada maxaabiista ee jeelka ku jirta oo aad u badan "Xabsigani waa mid ay ku jiraan maxaabiis tira badan marbaanay ilaa 600 ku jireen bilihii uu ugu darnaa xanuunka Coronavirus imikana waxa ku jira maxaabiis gaadhaya 400, guryaha xabsigana waxa loogu jiraa tiro maxaabiis ah oo u dhaxaysa 30 ilaa 50, hadii uu shakhsi ka mid ah uu ku dhaco xanuunku dhamaan inta kalana way qaadayaan markaa taxadir badan ayaanu samaynay.”


Dedaalada ay kaga hortagayaan xanuunka Coronavirus ayuu taliye Qoorsheel soo bandhigay ilaa wakhtiga ay sii wadayaan "Xukuumadu way qaaday xayiraadihii laakiin wali lama xaqiijin inuu dalka ka baxay oo wuu jiraa markaa anaga dedaal ayaanu ku jiraynaa inta la xaqiijinayo inuu wadanka ka dhamaaday.”


Taliye Qoorsheel waxa uu kale oo uu soo bandhigay go’aan ay ka qaateen eheladii u imanaysay maxaabiista ku jirta jeelka Mandheera "Maxaabiista waxa ka xidhan dadkoodii soo booqanayey maadaama oo xabsi meel fog ku yaalo oo nafaqo iyo dharba waa loo keeni jiray laakiin waxaanu nidhi naftooda iyo waxa looga baqanayo ayaa wax walba ka weyn, anaguna waxaanu ka taxadiraynaa in xanuunkaasi uu jeelka soo gaadho oo badbaadada maxaabiista ayaa muhiimada koowaad noo ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip