Caynaba Media Group

Isbahaysiga Siyaasadeed ee DamuJadiid oo dajiyey qorshe ay talada dalka kala wareegayaan Madaxweyne Farmaajo

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:27:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbahaysiga Siyaasadeed ee DamuJadiid oo dajiyey qorshe ay talada dalka kala wareegayaan Madaxweyne Farmaajo

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya waxa ay sheegayaan in isbahaysiga siyaasadeed ee xooga badan ee Damu-Jadiid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya waxa ay sheegayaan in isbahaysiga siyaasadeed ee xooga badan ee Damu-Jadiid

ay dajiyeen qorshe ay talada dalka kala wareegayaan Madaxweyne Farmaajo si nabadgelyo ah iyaga oo u maraya wado nabad ah kadib markii ay fursad weyn ka arkeen dhacdadii baarlamaanka uu ku ridey xukuumadii ra’iisulwasaare kheyre 25kii luuliyo ee sanadkaan 2020ka.

Isbahaysigan oo ah isbahaysiga siyaasadeed ee ugu xooga badan dalka Soomaaliya waqtigaan xaadirka ah isla markaana ku leh labada aqal ee baarlamaanka xubno isku xiran oo ka badan 100 mudane ayaa diyaariyey qorshe aad looga soo shaqeeyey kadib markii ay arkeen fursad siyaasadeed oo aan marnaba la qasaarin karin waqtigaan xaadirka ah..Kutladaan siyaasadeed ayaa ka faaiideysanaya  baaqyada caalamka ka imaanaya oo u muuqda kuwa ka quustey dowlada talada dalka heysey 3dii sano ee la soo dhaafey kadib rididii ra’iisul wasaare Kheyre iyo soo ifbaxa khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.Qorshahaan ayaa bilaaban doona maalin kadib marka lasoo magacaabo Ra’iisulwasaaraha cusub ee la qorsheeyey inuu bedelo ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qorshahaan oo ka kooban dhowr waji loona qorsheeyey si cilmiyeysan oo aad looga fiirsadey ayaa ku bilaabanaya mooshin laga keeno gudoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Mursal kaas oo la qorsheeyey in lagu bedelo gudoomiyhii hore ee baarlamaanka mudane Jawaari oo isagu iska casilay xilkaas kal hore kadib markii uu la shaqeyn waayey kooxda nabad iyo nolol ee talada dalka heysa hada.

Haddii ay ku guuleystaan iney bedelaan gudoomiyaha baarlamaanka isla markaana dib usoo celiyaan mudane Jawaari ayaa waxaa xigta inaan marnaba la ansixin ra’iisulwasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Farmaajo kadibna marka ay 3 jeer oo is xiga ay u diidaan ansixinta ra’iisulwasaaraha cusub  sidaas ugu qasbanaado inuu madaxweynuhu is casilo si loo doorto Madaxweyne KMG oo dalka gaarsiiya doorashooyinka dalka ka dhacaayo dalka Soomaaliya bisha nofeembar eee fooda nagu soo heyso ee sanadkaa 2020ka. Xataa haddii madaxweynuhu uu isku dayo inuu soo magacaabo ra’iisulwasaare cusub kadib marka ra’iisulwasaaraha koowaad la diido waxa ay qorsheeyeen in madaxweynaha ay ka keenaan mooshin xil ka xayuubin ah sidaasna loogu qasbo in la casilo oo uu baneeyo kursiga talada dalka ee uu soo haayey ilaa bishii febraayo sanadkii 2017ka.

 Kutlada Damujadiid ayaa qorsheeyey in kadib marka lagu qasbo madaxweyne Farmaajo inuu is casilo ama la casilo markaas kadib Madaxweyne KMG ah loo doorto Xasan Shiikh Maxamuud sii uu dalka u gaarsiiyo doorashooyinka la qorsheeyey in la qabto nofeember 2020ka. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isagana raba inuu dib usoo magacaabo Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake si ay si wada jir ah dalka uga saaraan xaaladaha cakiran ee uu lugaha la galay loona qabto doorashooyin xor oo xalaal ah waa sida ay hadalka u dhigeen xubnaha Damujadiid ee dajiyey qorshahaan hada ka socda caasimada magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in kutlada Damujadiid  ay heleen lacag dhan 500 milyan oo doolar oo loo qorsheeyey in ay talada dalka dib ugula wareegaan kooxda nabad iyo nolol ee hada talada heysa maadaama beesha caalamku ay ka niyad jabsan tahay hab dhaqanka Nabad iyo Nolol. Damujadiid ayaa u arko fursadaan mid aan la dayici karin isla markaana aan dib danbe u soo mareynin.

Hadii dhaqaaqyadaan ay run noqdaan waxaa ay abuuri doontaa jahawareer siyaasadeed oo ka daran midka hada jira iyo inay noqoto Soomaaliya banaan ay ku loolamaan dowlado shisheeye oo ka dhaxeeyo tartan siyaasadeed oo dhexdooda ah.

Waxaa kale oo aan la ogeen sida beesha caalamka oo hadaba qaati ka taagan xaalada Soomaaliya ay ula fal gali doonto marka uu biloowdo qorshaha kutlada Damu-Jadiid ay talada dalka kula wareegayaan si nabad ah. Taasoo oo keeni karta in dib u dhac aad weyn oo ku yimaada doorashooyinka dadban ee  hada ay ku heshiiyeen dowlada federaalka iyo maamulgoboleedyada beesha caalamkana ay shardi adag uga dhigtey in doorashooyinka ay noqdaan kuwa ay isla ogol yihiin dhamaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya isla markaana la isla wada ogol yahay.

Hadaba la arki doonee waxa ka hirgalaa qorshahaan kutlada siyaasadeedka  Damu-Jadiid ay dajiyeen si ay talada dalka dib ula soo wareegaan iyadoo wali mudo xileedkii dowladii iyaga badashay ay ka dhiman yihiin dhowr bilood oo qura.

Maalmaha soo socda ayaan ogaan doonaa waxa ka runta ah guuxa qorshahaan aad ay u hadal hayaan siyaasiyiin badan oo dhuun daloola siyaasada dalka Soomaaliya iyo meesha ay mareyso




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip