Caynaba Media Group

Waa Maxay Sababta Aanu Cristiano Ronaldo Waligii Shaadhka Uga Beddelan Doonin Ciyaartoy Ka Tirsan Roma?

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:24:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Aanu Cristiano Ronaldo Waligii Shaadhka Uga Beddelan Doonin Ciyaartoy Ka Tirsan Roma?

    Xiddiga reer Portugal ee Cristiano, shaadhkiisa ma bixin doona kulamada ay kooxdiisu la ciyaari doonto Roma xili ciyaareedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano, shaadhkiisa ma bixin doona kulamada ay kooxdiisu la ciyaari doonto Roma xili ciyaareedka

dambe ama waqti kaleba xilliga uu doono ha noqdeen, mana dhici doonto in garan uu iska saaray CR7 uu qaato ama xidho ciyaartoy ka tirsan Roma.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, waxa uu horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A sannadkii labaad oo xidhiidh ah la qaadayaa Juventus, isagoo waliba dhigay rikoodho duugoobay oo aanay beryahaas cidi soo qabanin.

Ronaldo oo usbuucii hore loo diiwaangeliyey ciyaartoygii ugu horreeyey ee muddo saddexda horyaal ee Premier League, LaLiga iyo Serie A ka dhaliya min 50 gool iyo ka badan, sidoo kalena waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee tan iyo sannadkii 1952kii 30 gool ka dhaliya Serie A xili ciyaareed gudihiisa.

Advertisements
 

Waxa kale oo u raacay inuu yahay ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee Serie A ka dhaliyey 50 gool ta iyo sannadkii 1985kii, waxaanu rikoodhkan ku gaadhay 61 ciyaarood.

Sidaas oo ay tahay, Ronaldo waxa uu iska xaaraantimeeyey in ciyaartoyda kooxda Roma uu shaadhkiisa u beddelo marka ay dhamaadaan kulamada ay iskaga hor yimaaddaan.

Sababta uu CR7 u qaatay go’aankan ayaa waxay tahay inuu nacayb xad-dhaaf ah u qabo kooxdan lagu naanayso Giallorossi, waxaanu cadowtinimadaas u qaaday xilligii uu ka tirsanaa Manchester United.

Kulan sannadkii 2007 dhex maray Manchester United iyo Roma, kana tirsanaa wareegga siddeedda ee Champions League oo ay Red Devils ku badisay 7-1 ayaan wali ka bixin niyadda Ronaldo, nacaybka uu kooxdan u qabona uu ka qaaday.

Cristiano Ronaldo oo waraysi bixiyey December 2018 ayaa si rasmi ah u shaaciyey in shaadhkiisu xaaraan ka yahay ciyaartoyda Roma, waxaanu yidhi: "Markii ay ciyaartaasi (kulanka Man United ku badisay 7-1), waxay i weydiisteen inaan joogsado, mid ka mid ah ciyaartoydii Roma ee iga soo horjeeday ayaa iga baryaya inaan xarfadda ka daayo.

"Kuwo kale ayaa iigu hanjabay inay i dhaawacayaan. Roma? ma jiri doono ciyaartoy ka tirsan oo aan shaadhkayga u beddelayo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip