Caynaba Media Group

Mohamed Salah Oo Fariin Qiiro Leh Soo Duubay Ka Dib Markii Uu Saaxiibkiisii Ugu Fiicnaa Uu Ka Tagay Liverpool Maanta (Daawo Muuqaal)

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:20:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah Oo Fariin Qiiro Leh Soo Duubay Ka Dib Markii Uu Saaxiibkiisii Ugu Fiicnaa Uu Ka Tagay Liverpool Maanta (Daawo Muuqaal)

    Weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa fariin qiiro leh u soo duubay saaxiibkiisii ugu dhawaa kooxda Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa fariin qiiro leh u soo duubay saaxiibkiisii ugu dhawaa kooxda Liverpool

Dejan Lovren kaasoo kooxda ka tagay maanta kuna biiray kooxda Ruushka ee Zenit.

Daafaca dhexe ee reer Croatia ayaa heshiis 11 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Zenit ka dib lix sannadood uu joogay kooxda Merseyside.

Wuxuu kooxda la qaaday 14kii bilood ee ugu danbeysay Premier League, Champions League, Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Advertisements
 

Dejan Lovren waxay saaxiibo dhow ahaayeen Mohamed Salah oo inta badan ay baraha bulshada ku kaftami jireen islamarkaana ay aad isagu dhawaayeen garoonka baanankiisa.

Salah ayaa muuqaal isaga soo duubay xarunta tababarka Liverpool oo uu kaga hadlayo bixitaanka saaxiibkiisa isagoo yiri:

"Ma garanayo si aan u iraahdo saaxiibkeygiyow, ma garaneysid dareenkeyga haatan laakiin si weyn ayaan kuugu xiisi doonaa gaar ahaan aniga. Waxaad halkaan ku aheyd ciyaaryahan aan la rumeysan karin, saaxiib weyn ayaad anigana ii aheyd.

"Wax badan ayaan kuu xiisi doonaa, wax badan ayaan aniga kuu xiisi doonaa. Aad ayaan kuu jeclahay, waxaad fantastik ku aheyd garoonka banaankiisa iyo garoonka dhexdiisaba.

"Waad ku mahadsan tahay wax walba oo aad u qabatay kooxda, waad ku mahadsan tahay wax walba oo aad ii qabatay aniga. Wanaag oo dhan ayaan kuu rajeeyay mustaqbalkaaga, waxaan ku rajeeyay inaan yeelato waayo ciyaareed oo weyn iyo inaad kooxdaada cusub kula riyaaqdo qoyskaaga. Aad ayaad u mahadsan tahay, dhawaan ayaan is arki doonaaā€¯



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip