Caynaba Media Group

Afar Kooxood Oo Loo Ogolaanayo Inay Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier League Ay Bilaabaan Waqti Ka Danbeeya Kooxaha Kale

0
Tuesday July 28, 2020 - 23:19:11 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Kooxood Oo Loo Ogolaanayo Inay Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier League Ay Bilaabaan Waqti Ka Danbeeya Kooxaha Kale

    Maamulka Premier League ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay afar kooxood ugu ogolaadaan waqti dheeri ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Premier League ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay afar kooxood ugu ogolaadaan waqti dheeri ah

oo ay isagu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub islamarkaana ay xilli ciyaareedka bilaabaan waqti ka danbeeya kooxaha kale.

Afarta kooxood waa kuwa ku jira tartamada Champions League iyo Europa League kuwaasoo la ciyaaraya bisha Agoosto ee soo socota.

Xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ayaa bilaabanaya 12ka September sida ay dhawaan ansixiyeen 20ka kooxood ee horyaalka ka qeyb galaya.

Advertisements
 

Laakiin maamulka Premier League ayaa waqti dheeri ah siin doona haddii afarta kooxood ee Ingariiska ah ay gaaraan qeybaha danbe ee tartamada Yurub ee ay ku jiraan.

Haddii Man City iyo Chelsea ay gaaraan finalka ama semi-finalka Champions League waxay heli doonaan waqti dheeri ah iyagoo bilaabi doona xilli ciyaareedka cusub waqti ka danbeeya kooxaha kale.

Waxaa iyagana la mid ah kooxaha Man United iyo Wolves oo Ingariiska ku matalaya tartanka Europa League.

Chelsea waxay qarka u saaran tahay inay ka harto Champions League ka dib guuldaradii cusleyd ee lugtii hore ee wareega 16ka ee ka soo gaartay Bayern Munich.

Halka Man City ay fursad weyn u heysato inay u gudubto wareega sideed dhamaadka Champions League madaama ay lugtii hore soo garaacday Real Madrid oo marti loogu ahaa Santiago Bernabeu,.

Man United ayaa iyadana hal lug kula jirta wareega 8da Europa League ka dib markii ay lugtii hore ee wareega 16ka ay 5-0 ku soo xasuuqeen LASK iyadoo lugta labaad ay horaanta bisha Agoosto ka dhaceyso Old Trafford.

Wolves ayaa iyadana fursad fiican heysata iyagoo barbaro 1-1 ku soo qabtay kooxda Olympiakos lugtii hore ee wareega 16ka, lugta labaad iyaga ayaa marti loo yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip