Caynaba Media Group

Maxay tahay sababta ay balan qaad yadii Xukumadihii Kulmiye kala danbeeyay u fuli layihiin?...

0
Thursday May 21, 2020 - 11:49:55 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta ay balan qaad yadii Xukumadihii Kulmiye kala danbeeyay u fuli layihiin?...

    Maxay tahay sababta ay balan qaad yadii Xukumadihii Kulmiye kala danbeeyay u fuli layihiin?...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay tahay sababta ay balan qaad yadii Xukumadihii Kulmiye kala danbeeyay u fuli layihiin?...


...Wakhtigii uu madaxwaynaha Hada talada hayaa ololaha hirdiganka doorarashooyinka ku jiray waxa uu balan qaaday Masharico kala duwan oo uu ka hirgalinayo gobolka Togdheer.
waxaanu si gaar ah u sheegay mar uu kormeerku tagay Garoonka diyaaraha ee magalada Burco oo qabyo ah inuu dhamaystirayo balse wali balan qaadkaasi uu wakhtigaas balan qaaday hada oo uu madaxwayne yahay ma fulin.

Dhanka kale Sannadkii 2011-kii ayaa Xukuumadii Kulmiye ee uu Hogaaminayey Madaxwayne Siilaanyo Sheegtay in Madaarka Burco uu Kamid Yahay Saddexda Madaar ee La Balaadhinayo Lana Casriyeynayo, ayna Maalgalinayso Dawladda Kuwayt Kuwaas oo Kala ah Hargaysa, Berbera iyo Burco.

Wasiirkii Duulista iyo Hawadda Somaliland ee Wakhtigaasi ayaa Sanadkii 2011-kii Dhagax dhigay Dib u dhiska Madaarka Burco.

Mudadii Xukuumadii Kulmiye ee uu Hogaaminaayey Madaxwayne Siilaanyo Waxaa Madaarka Burco ka Socday Dhisme aan Dhaamaanin ilaa hadana waa sidii.

Waxa sidoo kale dayacan gurigii Somaliland lagag dhawaaqay oo laftiisu baahan in dib u habayn lagu sameeyo oo dayactir lagu sameeyo maadama oo uu yahay goobtii somaliland loogu xundun xidhay isla markaan dhidibada loogu taagay wali xukumad balan qaaday oo oofisay balan qaadkaasi ma jirto.

Xukumadi uu madaxwayne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa ayaa balan qaaday isla markaana dhagax dhigay isla wafti uu hogaaminayo


madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo wakhtigaasi ahaa ku xigeenka Madaxwayne Siilaanyo Hadana Ah madaxwayne ku xigeenka Madaxwayne muuse ayaa balan qaaday asaga oo ay weheliyaan wasiiro ka tirsanaa xukumadaasi ga─║batay
waxaana goob joogka ahaa maamulka Gobolka Togdheer oo dhankooda sheegay in la dhamaystiri doono balan qaadkaasi ay goob jooga ka ahayeen.

balse balan qaadyadaasi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo waxba kama hirgalin.
isla xukumada hada talada haysa ayaa balan qaaday oo sheegtay in ay dhisayaan isla markaana dayactir ku samaynayaan Goobtani lagaga dhawaaqay Somaliland balse taasna wali may hirgalin.

Maxay tahay sababta ay balan qaad yadii Xukumadihii Kulmiye kala danbeeyay u fuli layihiin?

By:-Abdizamed Giirre



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip