Caynaba Media Group

Trump oo ku faanay in dalkiisu uu hoggaaminayo caalamka tirada kiisaska Corona

0
Wednesday May 20, 2020 - 12:49:24 in Wararka by Burco Staf
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku faanay in dalkiisu uu hoggaaminayo caalamka tirada kiisaska Corona

    Trump oo ku faanay in dalkiisu uu hoggaaminayo caalamka tirada kiisaska Corona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo ku faanay in dalkiisu uu hoggaaminayo caalamka tirada kiisaska Corona

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dooday in Mareykanka ay "sharaf u tahay" in uu hogaaminayo tirada dadka ugu badan ee uu cudurka Corona soo ritay.

"Waxaan u arkaa in arrintan ya tahay xushmad iyo in ay tahay wax wanaagsan sababbtoo ah waxay micnaheedu tahay in baaritaanadeena ay wanaagsan yihiin," ayuu yiri Mr Trump.

Dalka Mareykanka ayaa waxa tirada uu cudurka soo ritay ay imika gaartay 1.5 milyan waana wadanka tirada ugu badan uu cudurka kud hacay.

Waxaa Mareykanka tirada cudurka ugu dhimatay ay gaaraysaa ku dhawaad 92000, , sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.

Dalka Ruushka ayaa kaalinta labaad ku jira marka la eego tirada cudurka uu soo ritay oo imika gaartay 300,000 oo kiis.

Muxuu yiri Trump?

Isniintii, ayuu madaxwayne Trump waxaa uu shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan golaha wasiirada tan iyo intii uu cudurka Corona ka bilaabmay Mareykanka.

" Marka aad leedihiin in aan hogaaminayno dhanka tirada kiisaska , sababtu waxay tahay in tirada ugu badan ee baaritaanada aan sameynay." Ayuu yiri Mr Trump.

"Marka aan hayno kiisaska ugu badan, uma arko in taasi tahay wax xun, " ayuu intaa ku daray.

Dowladda Mareykanka ayaa maalin kasta waxay baaritaan ku sameysaa kumannaan qof.

Tirada uu cudurka soo ridanayo Mareykanka iyo tirada u dhimanaysa ayaa hoos u dhacday marka loo barbardhigo toddobaadyo ka hor.

Mowduucyada la xiriira

 

La wadaag qodobkanFaahfaahin





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip