Caynaba Media Group

Xiddiga Ugu Qaladaadka Badan Koox Walba Oo Premier League Ah Oo La Magacaabay – Waa Kuma Damiinka Kooxdaada?

0
Wednesday January 29, 2020 - 01:29:41 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddiga Ugu Qaladaadka Badan Koox Walba Oo Premier League Ah Oo La Magacaabay – Waa Kuma Damiinka Kooxdaada?

    Horyaalka Premier League waxaa jooga qaar ka mid ah laacibiinta ugu fiican dunida laakiin waxaa sidoo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalka Premier League waxaa jooga qaar ka mid ah laacibiinta ugu fiican dunida laakiin waxaa sidoo kale

ka ciyaara ciyaaryahano qaladaad waa weyn sameeya xilli ciyaareed walba.

Waxba ma ahan lacag kasta oo laga soo bixiyo, tababar walba oo ay qaataan, ciyaartoyda waxay u nugul yihiin inay qaladaad sameeyaan marka ay cadaadis ku hoos jiraan.

Haddii ay ahaan laheyd goolhaye qalqal darteed goolka iska dhaliya, daafac kubada u baasa weeraryahankii uu kubada ka difaacanayay ama gooldhaliye gool faaruq ah dhalin waayay, waa hubanti inay qaladaad ka dhacaan horyaalka Ingariiska xilli ciyaareed walba.

Inkastoo uusan jirin ciyaaryahan aan qalad gelin hadana waxaan la beenin karin in laacibiinta qaar ay u nugul yihiin inay qaladaad badan sameeyaan.

HITC Sport ayaa go’aansatay inay eegto dhamaan 20ka kooxood ee Premier League iyagoo ka soo saaray ciyaartoyda ugu qaladaadka badan koox walba.

 

Hadaan soo koobo kooxaha waa weyn waxaa Arsenal kaalintaas u buuxiyay Shkodran Mustafi oo si wacan loola helay, dhanka Chelsea goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa isna noqday xiddiga ugu qaladaadka badan kooxda, waana sababta Blues ay goolhaye cusub u raadineyso xagaaga soo socda.

AdvertisemeLiverpool waxay heystaan isna xiddig qaladaad badan waana daafaca dhexe Dejan Lovren kaasoo aan boos joogta ah ka heysan kooxda, halka Man United uu isna ugu qalad badan yahay Phil Jones laakiin sida Lovren isna boos joogta ah kama heysto Red Devils.

Halka Jonny Evans uu noqday laacibka ugu qaladaadka badan kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City. Liiskaan waxaa sidoo kale ku soo baxay weeraryahano qaladaad badan sameeya sida xiddiga Crystal Palace Christian Benteke iyo xiddiga Bournemouth Dominic Solanke kuwaasoo inta badan fursado goolal loo fishay ka qasaariya kooxahooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip