Caynaba Media Group

Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Caradii Uu Muujiyay Oxlade-Chamberlain Markii La Bedelay Kulankii Manchester United?

0
Thursday January 23, 2020 - 01:41:20 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Caradii Uu Muujiyay Oxlade-Chamberlain Markii La Bedelay Kulankii Manchester United?

    Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa hoos u dhigay jawaab celintii carada aheyd ee uu sameeyay Alex Oxlade-Chamberlain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa hoos u dhigay jawaab celintii carada aheyd ee uu sameeyay Alex Oxlade-Chamberlain

 markii la bedelay kulankii ay ka badiyeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Xiddiga khadka dhexe ayaa lagu bedelay Adam Lallana daqiiqadii 66aad ee kulankii Anfield, waxaana uu ahaa go’aan ka careysiiyay xiddigii hore ee Arsenal.

Oxlade-Chamberlain kuma faraxsaneyn inuu garoonka ka baxo Axadii isagoo si carro leh u dharbaay kursiga markii uu fariisanayay kursiga keydka.

Inkastoo uu carro muujiyay hadana Klopp ayaa sheegay inaysan jirin xurguf u dhaxeysa isaga iyo xiddiga khadka dhexe, waxa uu xitaa qirtay inuu ku degdegay bedelkiisa.

"Ma ahan mid careysan ee isaga ayaa sidaas u eg” ayuu yiri klopp oo saxaafada la hadlayay ka hor kulanka habeen danbe ee Wolves. "Waan weydiiyay, wax walbana waa Okay.

"Waa wax caadi ah in ciyaaryahan uu doonayo inuu dheelo 90 daqiiqo laakiin waa inaan wax ka barano wixii ina soo dhaafay. Oxlade waxa uu inoo yahay ciyaaryahan muhiim ah.

 

"Waxaa jira marar ay ciyaartoyda daalaan oo daalkooda uu banaanka u soo baxo. Waxaan u isku dayaa inaan akhriyo ciyaartoyda inta ay ciyaarta socoto, waxaan isku dayaa inaan fahmo heerka tamartooda iyo go’aan qaadashadooda.

"Mararka go’aan sax ah ayaa qaataa, mararka qaar ma qaato, malaha kulankii ugu danbeeyay Ox waxaa soo bixiyay xilli hore, laakiin daalka waxaa u sii dheeraa jug. Wax yar ayuu lugta jiidayay.

"Haddii xiddig khadka dhexe uu lugta jiidayo waa inaad si dhow u eegto. Go’aan ayaan qaatay. Markii uu soo baxay ka dib jugta ma aysan noqonin mid halis ah.”

Kooxda Jurgen Klopp kulankooda xiga ee Premier League waxay habeen danbe oo Khamiis ah la ciyaarayaan kooxda Wolves.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip