Caynaba Media Group

Man United Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Burnley Oo Ku Xadreysay Old Trafford & Solskjaer Oo Shaqadiisa Ay Halis Ku Jirto

0
Thursday January 23, 2020 - 01:34:35 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Burnley Oo Ku Xadreysay Old Trafford & Solskjaer Oo Shaqadiisa Ay Halis Ku Jirto

    Musiibada Manchester United ayaa weli maaro loo weysan yahay ka dib markii ay guuldarro kale gurigooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musiibada Manchester United ayaa weli maaro loo weysan yahay ka dib markii ay guuldarro kale gurigooda

ku soo gaartay iyadoo markaan ay Burnley 2-0 ku garaacday kooxda Red Devils.

Inkastoo Red Devils ay kubada inteeda badan heysatay islamarkaana ay weerar badan qaadeen hadana waxay ahaayeen ilko la’aan oo waa ay awoodi waayeen inay shabaqa ka soo taabtaan Burnley oo ka faa’ideysatay fursadihii yaraa ee ay haleen.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Man United ay weli ku jirto kaalinta shanaad iyagoo leh 34 dhibcood, waxay lix dhibcood weli ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea.

Manchester United waxay soo bandhigtay qaab ciyaareedkii looga bartay dhawaanahaan iyagoo kubada intooda badan heystay laakiin dhameystir la’aan ah.

Burnley si wacan ayay u dhaqan geliyeen qorshahooda ciyaareed, wiilasha tababare Dyche waa ay difaacdeen kubada, waxayna Man United ku ciqaabeen kubad laad xor ah aheyd daqiiqadii 39aad.

Laad xor ah oo laga soo qaaday meel 50 mitir u jirta goolka ayaa Mee uu mar kale madax ugala hormaray Matic iyadoo kubada uu helay islamarkaan uu shabaqa cusjiyay Wood.

Goolkaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Martial uu ku guuldareystay inuu tijaabiyo goolhaye Pope.

expanded thumbnail

Musiibada Man United ayaa halkeeda ka sii socotay qeybtii labaad iyadoo iyadoo daqiiqadii lixaad ay hal mar afka wada taageen taageerayaasha martida loogu ahaa Old Trafford.

Rodriguez ayaa kubad wax yar ka soo jeeday garabka bidix ka hor inta uusan gantaal ku tuurin shabaqa iyadoo goolhaye De Gea uu awoodi waayay inuu badbaadiyo.

Man United ayaa sii wadatay kubad heysashadeeda iyo inay cadaadis ku hayeen Burnley laakiin waxaa weli ka maqnaa dhameystir fiican iyo inay natiijo ku gaaraan weerarkooda.

 
 

Martial ayaa tijaabiyay goolhaye Pope daqiiqadii 73aad markii uu kubad darbo ah ka tuuray banaanka xerada goolka isagoo ku qasbay inuu goolhayaha badbaadiyo oo uu koorno u saaro.

Red Devils waxay awood u yeesheen inay inta badan ciyaarta ku dheelaan qeybta garoonka ee Burnley laakiin kooxda tababare Dyche ayaa si fiican u difaacday goolashooda.

Daqiiqadii 90aad Man United ayaa shabaqa soo taabatay markii karoos uu soo qaaday Juan Mata uu madax ku dhaliyay Luke Shaw laakiin goolka waa la diiday madaama uu qalad galay Luke Shaw ka hor inta uusan goolka dhalinin.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Burnley ku badisay iyadoo Red Devils ay weli ku jirto kaalinta shanaad islamarkaana ay leeyihiin 34 dhibcood.

Natiijooyinkii kale ee caawa kooxda Leicester City ayaa sii xajisatay booskeeda kaalinta 3aad ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda West Ham iyadoo Ayoze Perez uu labo gool dhaliyay.

AdvertisemDhanka kale Tottenham ayaa soo barbareysay dhibcaha Man United iyagoo 34 dhibcood la wadaaga Red Devils kuna jira kaalinta lixaad ka dib markii ay 2-1 ku dubteen Norwich City.

Delli Alli iyo Son-Heung min ayaa labada gool u saxiixay kooxda Jose Mourinho halka Teemu Pukki uu dhaliyay goolka qura ee kooxda Norwich.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip