Caynaba Media Group

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Caawa Qoreen Wargeysyada Ingariiska

0
Sunday January 12, 2020 - 00:47:38 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Caawa Qoreen Wargeysyada Ingariiska

    Kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa ku mashquulsan suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa ku mashquulsan suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January

, kaas oo ay naadiyada qaarkood dedaal adag ka samaynayaan si ay helaan ciyaartooyo ay ku xalliyaan dhibaatooyin ay qaybtii hore ee xili ciyaareedka kusoo jireen.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu waaweynaa ee saaka oo Jimce ah ay suuqa iibka iyo dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ka qoreen wargeysyada ciyaaraha ee dunida.

Wararkii ugu waaweynaa ee ay caawa qoreen wargeysyadu waxa ka mid ahaa:

Waxaa goordhow ka badisay Liverpool laakiin Tottenham waxaa u soo yeeray war wanaagsan iyadoo wargeyska The Guardian uu sheegayo caawa in Spurs ay ku dhow yihiin inay la wareegaan Gedson Fernandes.

Xiddiga khadka dhexe ee Benfica ayaa si weyn loo doonayay iyadoo Manchester United, West Ham iyo Chelsea ay dhamaantood xiiseynayeen.

Si kastaba, Tottenham ayaa la sheegay inay heshiis amaah 18 bilood ah kula wareegeyso iyadoo la xaqiijin doono saxiixiisa isbuuca soo socda.

♦♦♦♦♦♦♦♦

Saraakiil ka socota Inter Milan ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilada weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud iyagoo ku heshiiyay inuu bishaan Janaayo u wareego, sida ay sheegtay Olivier Giroud.

Giroud ayaa taribuunka ka daawanayay kulankii ay maanta Chelsea ka badisay Burnley.

♦♦♦♦♦♦♦♦

AC Milan ayaa ku rajo weyn inay la saxiixato goolhayaha Bournemouth Asmir Begovic si uu u bedelo Pepe Reina.

Reina ayaa goolhayaha labaad ka ahaa San Siro isagoo ka danbeeyay Gigi Donnarumma laakiin waxa uu isbuuca soo socda ku biirayaa Aston Villa ka dib markii heshiis amaah ah ay isku raaceen labada kooxood.

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka kooxda Wolves ee Raul Jiminez xilli ay sidoo kale isha ku hayaan Moussa Dembele oo Lyon ka tirsan. (Sky Sports)

Chelsea iyo Manchester United ayaa tartan dhinaca suuqa ah kala kulmi doona kooxda Juventus oo soo gashay loolanka weeraryahan Dembele. (Calciomercato – in Italian)

 

Madaxweynaha iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Sporting Lisbon ayaa usoo safray Old Trafford si ay Manchester United ugala xaajoodaan iibka khadkooda dhexe ee Bruno Fernandes. (Record – in Portuguese)

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer iyo ku xigeenka kooxdaas ee Mike Phelan ayaa soo daawaday khadka dhexe ee Benfica ee Fernandes.(Standard)

Waxa sii kordhaysa kalsoonida ay Man United ku qabto inay dhammayn doonto saxeexa Bruno Fernandes oo ay haatan qarka u saaran yihiin inay helaan. (Star)

Tottenham ayaa sidoo kale noqotay koox halis ku ah Man United iyo West Ham United iyagoo kula tartami doona saxeexa Gedson Fernandes oo Benfica qayb ka ah. (Mail)

Everton ayaa diyaarinaysa dalab 25 Milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga ree Brazil iyo kooxda Gremio ee Everton Soares. (ESPN)

Juventus khadkeeda dhexe ee Emre Can ayaa iska diiday inuu ku biiro Man United isaga oo ixtiraamaya kooxdiisii hore ee Liverpool. (Tuttosport – via Talksport)

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa meesha ka saaran in daafaca dhexe ee kooxdiisa ee Andreas Christensen uu kooxda ka baxo gudaha bishan January. (Star)

Tababaraha Leicester ee Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga kooxdiisa ee James Maddison aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin xiisaha uu ka helayo kooxda Manchester United. (Mirror)

Juventus ayaa la filayaa inay qandaraas cusub ka saxeexato weeraryahanka kooxdeeda ee Paulo Dybala walow si weyn loola xidhiidhinayo Man United iyo Tottenham. (Goal)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip