Caynaba Media Group

Isbarbardhig Lagu Sameeyay Mushaharka Ciyaartoyda Liverpool & Man United Iyo Xog Cajiib Ah Oo Ka Soo Baxday

0
Tuesday January 07, 2020 - 19:26:13 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbarbardhig Lagu Sameeyay Mushaharka Ciyaartoyda Liverpool & Man United Iyo Xog Cajiib Ah Oo Ka Soo Baxday

    Liverpool ayaa wax walba sida saxan u sameyneysa garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa wax walba sida saxan u sameyneysa garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba

.

Reds ayaa bilaabeysa inay koobab ku darto armaajadeeda koobabka iyadoo ay u muuqato inay galeen waayihii guulaha.

Qorshahooda ay doonayaan inay ku balaariyaan Anfield oo ay ka dhigaan garoon qaada in ka badan 61 kun taageerayaal iyo heshiiska qaaliga ah ee ay la galeen shirkada Nike ayaa muujineysa inay kooxda horumar dhanka dhaqaalaha ah sameyneyso.

Waa xaalad aad uga duwan waxa ka socda Old Tarfford iyagoo Manchester United ay ku soco jiho lidi ku ah tan Liverpool.

Red Devils ma aysan soo saarin koox weyn tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka fariistay shaqada tababare sannadkii 2013.

Halka saxiixyada Liverpool ay yihiin kuwa wacdarro dhigaya, Man United waxay dhowr jeer ku qasaartay suuqa kala iibsiga. Angel di Maria, Memphis Depay iyo Fred ayaa ka mid ah xiddigaha ku fashilmay Old Trafford.

Xog ay uruurisay Spotrac ayaa soo bandhigeysa in Liverpool ay helayaan wax u dhigma lacagta ka baxeysa marka loo barbardhigo Man United.

Shabakada waxay soo bandhigtay mushaharka ciyaaryahan walba oo u dheela Liverpool iyo Man United – farqiga weyn ee u dhaxeeya ayaa ah mid cajiib ah

Harry Maguire waxa uu qaataa mushahar ka badan ciyaaryahan walba oo jooga Liverpool marka laga reebo Mohamed Salah

Juan Mata, Luke Shaw, Nemanja Matic iyo Ashley Young dhamaantood waa ay ka mushahar badan yihiin Sadio Mane.

David de Gea ayaa isna afar jeer ka mushahar badan lacagta ay Liverpool siiso Alisson Becker isbuuc walba.

Mushahar Ciyaartoyda Liverpool

Mushaharka Ciyaartoyda Man United

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip