Caynaba Media Group

Pierre-Emerick Aubameyang Oo War Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Kooxda Arsenal

0
Tuesday January 07, 2020 - 00:30:44 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pierre-Emerick Aubameyang Oo War Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Kooxda Arsenal

    Pierre-Emerick Aubameyang ayaa meesha ka saaray wararka xanta ee la xiriiray mustaqbalkiisa isagoo carabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa meesha ka saaray wararka xanta ee la xiriiray mustaqbalkiisa isagoo carabka

 ku adkeeyay inuu u heelan yahay Arsenal.

Aubameyang ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Arsenal xaagaga soo socda laakiin weeraryahanka reer Gabon ayaa si rasmi ah u beeniyay warkaas maanta.

Ka hor kulanka FA Cup ee ay caawa Arsenal la ciyaareyso Leeds United, Aubameyang ayaa u sheegay majalada kooxda:

"Ugu danbeyn, waxaan jeclaan lahaa inaan ka jawaabceliyo qaar ka mid ah wararka xanta ee aniga igu saabsan ee ay qorayaan warbaahinta.

"Dadka waxay jecel yihiin inay sheekooyin been ah sameeyaan laakiin waa inay diirada saaraan waxa ka dhacaya garoonka.

"Warar badan ayay sheegaan taasoo madax iga gasha mararka qaar. Waxaan ahay kabtanka Arsenal. Waan jeclahay kooxdaan

Waan u heelanahay kooxdaan, waxaan si weyn u doonayaa inaan meesha sarre ku soo celiyo oo ah meeshii ay mudneyd.

Hadalka Aubameyang ayaa meesha ka saaraya wararkii xanta ee sheegayay inuu doonayo inuu isaga tago kooxda.

Arsenal ayaa caawa la ciyaareysa Leeds United iyagoo doonaya inay u soo baxaan wareega afaraad ee FA Cup.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip