Caynaba Media Group

Ousmane Dembele Oo Qaaday Talaabo Uu Ku Muujinayo Inuu Doonayo Inuu U Wareego Liverpool Muxuu Sameeyay?

0
Monday January 06, 2020 - 01:58:05 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ousmane Dembele Oo Qaaday Talaabo Uu Ku Muujinayo Inuu Doonayo Inuu U Wareego Liverpool Muxuu Sameeyay?

    Ousmane Dembele ayaa ka mid ahaa xiddigaha da'da yar ee ugu tayada fiican dunida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ousmane Dembele ayaa ka mid ahaa xiddigaha da'da yar ee ugu tayada fiican dunida

markii uu joogay Borussia Dortmund.

Qaab ciyaareedka da’ yarkaan ee Bundesliga ayaa keentay inay Barcelona 105 milyan euro ku soo iibsato sannadkii 2017.

Si kastaba, ku biiritaankiisa Barcelona ma aysan noqonin sidii uu rajeynayay.

Xiddiga reer fFrance ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareed joogta ah iyadoo dhaawacyo isku xigxiga ay dib u dhigeen horumarkiisa.

Taasoo la micno ah in Dembele oo haatan dhaawac kale ku maqan uu kaliya dhaliyay 19 gool 74 kulan uu u saftay Barcelona.

Waxaa jiray xan ku gaaf wareegsaneyd tan iyo sannadkii la soo dhaafay oo la xiriirtay inuu ka tagayo kooxda.

Waxaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxda Liverpool, iyadoo haatan ay dib u soo laabteen wararkaas xanta ah dembele ayaa sii holciyay wararka xanta ah isagoo ‘Like’ saaray sawir la sameeyay oo uu xiran yahay maaliyada Liverpool

.

Talaabada uu qaaday Dembele ayaa u muuqata mid uu si maldahan ugu sheegay tababare Jurgen Klopp inuu doonayo inuu ka dego Anfieldarintaan ka farxisay taageerayaasha kooxda Liverpool kuwaasoo sannadihii ugu danbeeyay ku baaqayay inay kooxda u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Faraniiska.

Dembele ayaa la aaminsan yahay inuu dib u heli karo qaab ciyaareedkiisii hore haddii uu ka hoos ciyaaro macalinkii hore ee Borussia Dortmund Jurgen Klopp.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip