Caynaba Media Group

Halyeey U Soo Dheelay Chelsea Oo Shaaciyay Inuu Ku Dhawaaday Inuu Dilo Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich

0
Monday January 06, 2020 - 01:53:44 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeey U Soo Dheelay Chelsea Oo Shaaciyay Inuu Ku Dhawaaday Inuu Dilo Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich

    Halyeeyga Chelsea Pat Nevin ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu dilo milkiilaha kooxda Roman Abramovich

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Chelsea Pat Nevin ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu dilo milkiilaha kooxda Roman Abramovich

 xilli bilyaneerka reer Russia uu fasax ku joogay Scotland oo uu baaskiil watay.

Nevin oo 56 sanno jir ah ayaa ka sheekeyay sida uu ugu dhawaaday inuu dulmaro bilyaneerka markii ay isaga soo hor baxeen meel luuq ah xilli uu gaari kaxeynayay.

Ciyaaryahankii hore ee Scotland ayaa sheegay inuu durbadiiba talaabo degdeg ah qaaday islamarkaana uu ciriir ah gaariga ku hareermariyay Abramovich oo baaskiil saarnaa xilli ay wada joogeen xeebta Ayshire.

Nevin ayaa hore u la kulmay Abramovich isagoo haatan dhanka warbaahinta u qaabilsan Chelsea oo uu u soo ciyaaray sannadihii 80maadkii.

Si kastaba, waxa uu sheegay in Abramovich uusan aqoonsanin waqtigii shilka uu dhacay mana uusan u sheegin inuu isagu ahaa qofkii ku dhawaaday inuu dardaro.

Waxa uu yiri: "Seddex sannadood ka hor waxaan fasax ku joogay Arran, waxaan gaari ku kaxeynayay qeybta waqooyi ee Arran. Mar kasta oo aan fasax u aado halkaas, waxaan gaari ku dhexmari jiray jasiirada oo dhan.

"Meel luuq ah ayaan ka soo baxay, anigoo ku dhawaaday inaan dardaro nin baaskiil saarnaa.

 

"Durbadiiba waan ka leexiyay gaariga weliba ilbiriqsigii ugu danbeeyay, waan dili gaarau. Ninkaas waxa uu ahaa Roman Abramovich.

Alla maxay sheeko noqon laheyd haddii aan dili lahaa Roman Abramovich. Waxaan ku seegay si ciriiri ah.

"Doontiisa raaxada ayaa ku xirneyd ceebta, wuxuu jasiirada ku dhexmarayay baaskiil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip