Caynaba Media Group

Musiibo Soo Wajahday Liverpool Ka Dib Markii James Milner Uu Noqday Xiddigii TODOBAAD Ee Dhaawac Uga Maqan

0
Monday January 06, 2020 - 01:45:53 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musiibo Soo Wajahday Liverpool Ka Dib Markii James Milner Uu Noqday Xiddigii TODOBAAD Ee Dhaawac Uga Maqan

    Tababare Jurgen Klopp ayaa wajahaya madax xanuun dhaawacyo ah ka dib markii James Milner uu dhaawac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Jurgen Klopp ayaa wajahaya madax xanuun dhaawacyo ah ka dib markii James Milner uu dhaawac

ku baxay daqiiqadii 9aad ee kulankii Fa Cup ee ay guusha ka gaareen kooxda deriskooda ee Everton.

34 jirkaan ayaa ku soo bilowday booska daafaca bidix laakiin isagoo isku dayayay inuu celiso darbado Walcott ayuu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada.

Waxay taasi ka dhigeysaa in Klopp uusan heysan daafacyo bidix oo u fadhiya daafaca booskaas xureystay ee Andy Robertson.

Milner waxaa bedelay 19 jirka Yasser Larouci kaasoo saftay kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool caawa.

Reds ayaa kulankii caawa dib u soo dhaweysay Rhian Brewster iyo Alex Oxlade-Chamberlain laakiin dhaawaca Milner ayaa ka dhigay in Liverpool ay ka dhaawacan yihiin ilaa tododo ciyaaryahan.

Klopp waxaa niyad-dhis u noqon kara soo laabashada Joel Matip iyo Dejan Lovren isbuuca soo socda kulanka ay la dheelayaan Tottenham, taasoo ka dhigeysa in daafaca dhexe Joe Gomez uu noqdo xiddiga u fadhiya booska Robertson.

Kubadsameeyaha khadka dhexe Xherdan Shaqiri ayaa ah xiddig kale oo soo laaban kara kulanka Premier League ee Tottenham iyadoo Liverpool ay raadineyso inay sii dheereysato rikoodhkeeda guuldarro l’aanta.

Xiddigaha kale ee ka dhaawacan kooxda Anfield ka dhisan waxaa ka mid ah Fabinho kaasoo maqnaa tan iyo bishii November markaasoo uu dhaawac canqowga ah soo gaaray, lamana filayo inuu soo laabto ilaa iyo dhamaadka bisha Janaayo.

Naby Keita ayaa isna rajeynaya inuu ka soo laabto dhaawac gumaarka ah bishaan halka Nathaniel Clyne uu dhaawac muddo dheer ku maqan yahay.

DHAAWADYADA LIVERPOOL

Dejan Lovren (Bowdada)

Joel Matip (JilibkaShaqiri (Bowdada)

Naby Keita (Gumaarka)

Fabinho (Canqowga)

Nathaniel Clyne (Jilibka)

James Milner (Bowdada)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip