Caynaba Media Group

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Warbaahinta Yurub Caawa Oo Sabti Ah

0
Sunday January 05, 2020 - 00:21:11 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Warbaahinta Yurub Caawa Oo Sabti Ah

    Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa haatan furan iyadoo kooxaha ay aad u raadinayaan xiddigo ay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa haatan furan iyadoo kooxaha ay aad u raadinayaan xiddigo ay ku

 xoojiyaan kooxdooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Inta uu bishaan furan yahay suuqa kala iibsiga waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixino dhowr ah maalin walba oo aan idiin kugu soo gudbin doono wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo waxyaabaha ay ka qoreen warbaahinta waa weyn ee kubada cagta.

Kooxda Leicester City ayaa xiiseyneysa daafaca dhexe ee Juventus Merih Demiral, waxay ka fiirsanayaan inay heshiis amaah ah kula soo wareegaan xiddiga Turkiga sida ay sheegtay Sky Sports News.

Wararka Talyaaniga ka imaanaya ayaa iyagana sheegaya in Juventus ay soo diiday dalab 34 milyan ginni ah oo ay Borussia Dortmund ka gudbisay daafaca Demiral.

Rajadii ay kooxda Chelsea ka qabtay saxiixa Wilfried Zaha waxaa sarre u sii qaaday in weeraryahanka Crystal Palace uu xiriir la sameeyay wakiilka Pini Zahavi si uu uga shaqeeyo ka tagistiisa garoonka Selhurts Park sida ay sheegtay Daily Maul.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa dhawaan laga qaaday cunqabateyn ka saarneyd suuqa kala iibsiga.

Juventus ayaa u bandhigi doonta Manchester United lacag kaash ah oo uu la socdo xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Adrian Rabiot si ay ugu soo bedeshaan paul Pogba, sida ay qortay The Sun.

Kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa lagu waramayaa inay dooneyso inay Pogba ku soo celiso Turin bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

Arsenal ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca reer Norwich Max Aarons sida ay sheegtay Daily Mail

Si kastaba, kooxda ay deriska yihiin ee Spurs ayaa weli ugu cadcad inay hesho da’ yarkaan.

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo kula jirto xiddiga kooxda Lyon ee aadka loo qiimeeyo Moussa Dembele, laakiin kooxda Faransiiska ayaa dooneynin inay iibiso weeraryahankeeda.

Chelsea ayaa hoos u dhigtay xiisaheeda xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho sababtoo ah tababare Frank Lampard ayaa aaminsan in soo xerogelinta gooldhaliye cusub inay ka muhiimsan tahay soo xerogelinta Sancho, sida ay qortay The Sun




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip