Caynaba Media Group

Puntland Oo Heshiis Lagu Dhisayo Deked Cusub La Saxeexatay Shirkad China Ah

0
Saturday June 01, 2019 - 13:33:38 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Heshiis Lagu Dhisayo Deked Cusub La Saxeexatay Shirkad China Ah

    Puntland Oo Heshiis Lagu Dhisayo Deked Cusub La Saxeexatay Shirkad China Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Heshiis Lagu Dhisayo Deked Cusub La Saxeexatay Shirkad China Ah

Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxeexatay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC).

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Faarax Cawaash iyo madaxa shirkadda CCECC ayaa kala sixeexday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal.

Dhismaha dekedda ayaa lagu sheegay inay horumarinayso ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing.

Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horreeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip