Caynaba Media Group

Sansaan Colaadeed Oo Ka Bilaamay Degmada Badhan Iyo Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-daansi Hor leh

0
Thursday May 30, 2019 - 11:42:58 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sansaan Colaadeed Oo Ka Bilaamay Degmada Badhan Iyo Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-daansi Hor leh

    Sansaan Colaadeed Oo Ka Bilaamay Degmada Badhan Iyo Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-daansi Hor leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sansaan Colaadeed Oo Ka Bilaamay Degmada Badhan Iyo Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-daansi Hor leh

Sansaan Colaadeed Oo Ka Bilaamay Degmada Badhan Iyo Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-daansi Hor leh

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo Soo gaadhay maagalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa degmada Badhan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta degmada Badhan ee Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay u horreeyaan saraakiisha ciidamada Puntland waxgaradka iyo salaadiinta degmadaasi.

Socdaalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ay ka aloosantahay degaaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo uu socdo abaabul ciidan oo labada dhinacba ah.

Sidoo KaleGuddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa xalay hoygiisa ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Cali Shire.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip