Caynaba Media Group

"Ilaa hada lama Tacsiyayn Saraakiisha beesha Habarjeclo kuwa samaroona Dhulkaa Gariiraya Mana aqbalayno"Ugaas Jamaal Food

0
Friday May 24, 2019 - 20:47:15 in Wararka by Mohamed dirir
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ilaa hada lama Tacsiyayn Saraakiisha beesha Habarjeclo kuwa samaroona Dhulkaa Gariiraya Mana aqbalayno"Ugaas Jamaal Food

    Hargaysa(Caynabanews)Ugaas jamaal cabdiraxmaan Food oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka togdheer ayaa taageeray Hadalkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Caynabanews)Ugaas jamaal cabdiraxmaan Food oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka togdheer ayaa taageeray Hadalkii Ugaas jamaal cabdiraxmaan Food oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka togdheer ayaa taageeray Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay Boqor Cismaan Buurmadoow.

Ugaasku wuxuu sheegay inay la qabaan go'aanka uu boqorku soo jeediyay ee ah Hayaanka beesha ee dhinaca siyaasada Maadaama beeshii hore heshiisku u dhex maray waqtigeedii dhamaaday isla markaana ay beeshu u baahan tahay is gaashaan buuraysi cusub oo dhanka siyaasada ah .

Ugaaska ayaa dhinaca kale waxaa uu ku eedeeyey wasiirka arimaha Gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed inuu qas iyo fadqalalo amaan daro ka qorshaynayo Ceelafweyn isla markaana uu iminka iska horkeenaayo beelihii la heshiisiiyay isagoo arintaas u samaynaya aargudasho uu la doonaayo Boqor Buur madow.

Ugaad Jamaal Food oo arimahaasi ka Hadlayaa waxaa uu yidhi.

" Waxaanu si miisaan leh u Taageeraynaa Go'aanka uu boqorku soo jeediyay ee Talada iyo iskugu imaanshaha ah Beelaha Habarjeclo iyo Garxajis,iyo welibana shirka aaya ka tashiga ah ee Beesha Bariga Burco,waxaana aanu qabnaa in la gaadhay waqtigii la furi lahaa xadhkaha siyaasadeed ee lakala dhex dhigay beelaha walaalaha ah,taasi oo ay ka danbeeyaan siyaasiyiin umada dhiigooda ku Mamay kuwaasi oo uu ugu horeeyo Wasiirka arimaha Gudaha Maxamed Kaahin oo si shirkaas boqorku ku Baaqay loo kala Kiciyo bilaabay in Rasaastu kowsato markale isla markaana ceelafweyn dilal ka dhacaan si aan beeluhu iskugu soo dhowaan waana qorshayaashii Muuse biixi iyo ina Kaahin oo siilaanyo Iska dhaadhicinayaa dilalka uga Fuliyeen Deegaamada Seemaal ee galbeedka somaliland halkaasi oo shacabka somaliland la socdaan in dad ganacsato ah oo aan waxba galabsan lagu gawracay". Ayuu yidhi ugaas Jamaal Food.

Dhinaca kale waxaa uu Ugaas Jamaal Food ku eedeeyey wasiirka Arimaha Gudaha inuu waxba ka qaban waayay dilka sarkaal lagu toogtay laascaanood xili xukuumadu hore tacsi ugu dirtay laba sarkaal oo lagu dilay oog kuwaasi oo loo haystay dilka Nin ganacsade ahaa oo halkaasi ay xabsiga dhexdiisa ku khaarajiyeen saraakiishaas iyana la dilay waxaana uu yidhi.

"Ina kaahin xataa Tacsi uma dirin qoyska uu ka baxay sarkaalkii u danbeeyey ee laga dilay beesha Bariga burco halka ina gaafaadhi uu hore u qaylinayay markii labada sarkaal ee samaroon la dilay waxaasina waxaanu aqbalayno maaha " Ayuu yidhi ugaas Jamaal Cabdiraxmaan Food.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip