Caynaba Media Group

Ururka Ardayda Bangladesh oo ku eedeyey Gudoomiyahooda inuu Leexsaday Lacag Xuska 18may Loogu Talagalay

0
Friday May 24, 2019 - 02:56:45 in Wararka by Mohamed dirir
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Ardayda Bangladesh oo ku eedeyey Gudoomiyahooda inuu Leexsaday Lacag Xuska 18may Loogu Talagalay

    Bangladesh(Caynabanews)Gudoomiyaha ardaydda jaaliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangladesh(Caynabanews)Gudoomiyaha ardaydda jaaliyadda Bangladesh(Caynabanews)Gudoomiyaha ardaydda jaaliyadda somaliland oo lunsaday lacag logu talo galay munasibadda xuska 18 may , lacagta waxa so diray uruka qurbo-joogta somaliland

Ku: - Dhamaan ardayda jamuuhriyadda Somaliland ee Bangladesh.

Ujeedo lunsi maaliyadeed


Ururka qurbojoogta Somaliland waxa uu bixiya deeq lacageed oo ay ku kabaan munaasibaddaha 18 may iyo 26 June Isla markaana loo diro wadanka kasta oo ardayda reer Somaliland ku noolyihiin




Ururka qurbojoogtu waxa uu so diray lacag dhan $1000 si loogu qabto xaflada maalinka xusaka qarran ee 18 may, sidaasi awgeed waxa ardaydda Somaliland ee Bangladesh ay soo qaban -qaabiyeen xafladda 18 may kuwaas oo lacagta ka bixinaya jeebkooda qofkastana laga qaadayo $12 oo u hore u go’aamiyey gudoomiye-xigeenku ardayddu, sida uu qoral ku soo dhigay bogga ardaydu ku leedahay Facebook.


Sidaas awgeed waxa la ogaysiinaya cidkasta oo somalilanders ah in uu lunsaday lacgtaas gudoomiyuhu markii la weydiiyeyna uu yidhi lacagta (aniga aya la iiso diray oo isticmaalay ninkii iga qaadaya ha ii yimado), hore na uu u sheegay in aan waxba la so dirin markii la helay cadaymihiina uu qirtay qayb-kamidda ardaydda iyo guddidi la shaqaynaysaba halkaasi oo dhamaan ay xaadir ku wadda ahaayeen kadibna u yidhi cid iga qaada doona iyadda oo la haayo cadaymo muujinaya maqal iyo muuqalba markii uu hadalkaas lah,.haddii loo baahdo’



Gabo-gebaddi iyo gunnaanadki waxa aan ogaysiinaynaa in ardayda Somaliland ee ku sugan Bangladesh laga bilaabo taarikhdda manta ma aha gudoomiye-xigeen Mubarak Cali Xayd isaga oo sheegay xalay in uu iska casilay xilkaas. Dhawaan la isu iman doono shir ku saabsan aaya-tashiga iyo midnimadda ardayda jamhuuriyadda Somaliland ee Bangladesh maadama aan wax doorasho ah la qaban la ga soo bilaabo sanadkii 2016 ilaa iyo sanadkan 2019.

Waxaan jecelnahay in ay ka soo dhiibtaan fikirkooda dhamaan ardayda Somaliland

Mahadsanidin
ALLA-MAHADLEH







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip