Caynaba Media Group

Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weyday Inay U Gurmato Gobolka Togdheer Mise Way Hagratay Oo Godob Ayaa Ka Raacday?

0
Tuesday May 21, 2019 - 10:51:29 in Wararka by saleban Cilmi
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weyday Inay U Gurmato Gobolka Togdheer Mise Way Hagratay Oo Godob Ayaa Ka Raacday?

    Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weyday Inay U Gurmato Gobolka Togdheer Mise Way Hagratay Oo Godob Ayaa Ka Raacday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weyday Inay U Gurmato Gobolka Togdheer Mise Way Hagratay Oo Godob Ayaa Ka Raacday?

Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weyday Inay U Gurmato Gobolka Togdheer Mise Way Hagratay?
Daadadkii Kusoo Fatahay Magaalada Burco Ayaa Khasaare Xoogan Gaadhsiiyey Qaybo Kamida Xaafadaha Magaalada Burco,Kuwaas Oo Guryahoodi Ay Ka Baro-kiciyeen Biyaha Kusoo Fatahay,Isla Markaana Ku Waayey Hantidoodi Ma Guurtada Ahayd,Sidoo Kale Xaafadahaasi,Dad Mooye Wax Duunyo Ahi Uma Bad-baadin,

Waxaa Is Weydiin Leh,Shacabka Gobolka Togdheer Ee Daadku Qaaday Maxay Kaga Duwan Yihiin,Dadkii Habeen Badhka Madaxweynuhu U Gudaayey Si Uu Xaaladooda Ogaado?


 

Xukuumadu Miyey Tahli Kari Weydo Inay U Gurmato,Maxaase Sababay Inay Af Iyo Adinba Ka Xidhato?
Waxaa Muuqata Inay Dawladu Hagratay Masaakiinta Daadku Qaaday,Isla Markaana Godob Ka Gashay,Maadama Oo Ay Hiil Iyo Hooba Ka Waayen,

Qaar Kamida Xaafadaha Daadku Qaaday,Oo U Badnaa Dadkii Danyarta Ahaa,Isla Markaana Ku Jiray Guryo Jilicsan,Hoygii Iyo Hugiiba Way Ku Waayeen Roobabka,Waxaana Sababtay In Xaafado Kamida Magaalada Burco,Saaka Looga Gurmado Si Loo Gaadhsiiyo Dhar Iyo Cunto,
Dad Waayeela Ayaa 24 Saacadood Dhex Taagna Roobka,Kadib Markii Ay Ka Cabsadeen Inay Dumaan Guryaahooda Oo Cooshado Iyo Jiingado U Badna Halka Kuwii Daaraha Ku Jiray,Qaarkood Dumeen Halka Kuwa Kalana Buuxsameen,
Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Ka Degmada Burco Ayaa Ku Keliyeystay Gurmadka Loo Samaynaayo Dadweynaha,Waxaana Xusid Mudan In Golaha Deegaanka Degmada Burco,Ku Baaqeen In Dawlada Dhexe Usoo Gurmato,Maadama Oo Khasaaraha Yimi Awoodooda Ka Baxsan Yahay/ Qalinkii Cabdiraxmaan Tiriike


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip